Xisbiga Kulmiye oo la kulmay Gudidii Dhexdhexaadinta

0
500

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiye ku Xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere ayaa ka hadlay kulan ay la yeesheen Guddidii dhexdhexaadinta ka dhex waday Saddexda Xisbi Qaran.

Axmed Cabdi Dheere oo Shalay Warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in Xukuumadda Kulmiye ay ka go’an tahay in la qabto Doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka, waxaana uu intaasi ku daray in ay ka warsugayaan Wakhtiga ay Xisbiyadda Mucaaradku u soo diyaar garoobaan in ay ka qayb galaan Doorashooyinka.

Axmed Cabdi Dheere oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa noo yimid guddi is xil qaantay oo ah Gudidii dhex dhexaadinta ee oo Xisbiyadda Mucaaradka la kulmay, waxa ay noo Sheegeen wixii ay kala kulmeen Xisbiyadda Mucaaradka ah, anaguna waanu u warranay, waxaanu sugaynaa marka ay ka soo noqdaan Xisbiyadda Mucaaradka, waana aanu ka Warsugaynaa inta ay ka soo dhamaanayaan Xisbiyadda Mucaaradka.

Go’aanka waad arki doontaan waxa ay nagu dhexdhexaadiyaan ee ay soo gooyaan guddidaasi waxana ay ahaayeen dad aanu Ixtiraamayno aadna waanu usoo dhawaynay”.

Axmed Cabdidheere oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Haddaanu nahay Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadiisa waxa aanu diyaar u nahay in Doorashada dhacdo, wakhti badan ayaa inaga lumay, imikana waxa aanu ka Warsugaynaa wakhtiga Xisbiyadda Mucaaradku ay u soo diyaar garoobaan in ay Doorashada galaan, Xukuumadda iyo Xisbiyadda isma hayaan ee Saddexda xisbi ayay dhex dhexdhexaadinayaan. Maanu diidin dhexdhexaadinta ay guddidu waddo, maanta ayaana iskugu kaayo horraysay.”

 

Leave a Reply