Madaxweynaha oo Kulan Deg-deg ah Ugu Baaqay Xisbiyada Qaranka

0
464

Qore Khadar M. Xaashi

Hargaysa (Dawan): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ugu baaqay guddoomiyeyaasha labadda xisbi mucaarad in ay shir deg deg ah isugu yimaadaan todobaadkan.

Waxaanu tilmaamay in kulankaasu looga dan leeyahay in lagu lafo-juro sidii loo dhamayn lahaa khilaafka hadda dalka ka taagan ee ku saabsan doorashada si ay dalka doorasho uga qabsoonto.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu sidan ka sheegay khudbad uu ka jeediyay munaasibad shalay lagu saxeexayay hirgelinta aaga cashuuraha ka caagan ee dekadda Berbera, oo lagu qabtay magaaladda Hargaysa.

Sidoo kale waxa uu xusay in khilaafka jiitamay ay nacasnimo ku tahay saddexda xisbi Qaran ee Somaliland.

Waxaanu yidhi, “Waxaa aynu u baanahay Somaliland intaas isla ogol oo khilaafka dhexdeedu yar yahay, oo meel u wada jeeda, dhexdeedana ka tartanta kana loolanta islamarkaana danta guud ka wada shaqeysa.

Taasina waxaa aynu ku gaadheyna inaga arrimaha mabaa’diida ah ka heshiina, waxaa aynu ku helayna inaga oo xisbiyadeenu ka heshiiyaan khilaafaadka jira”.

“Waxaan u arka in doorasha deg degga aan qabana waa mihiim, waaneynu qaban karrna doorasho iyadda oo aan cidi inaga caawin dhaqaale iyo caawimo toona, doorashadduna waxaa ay dib ugu dhacaysa waa khilaafka xisbiyadda cid kale eeda lama leh.

Xisbiyaddu marka ay diyaar garoobaan ee ay ka heshiiyaan khilaafkaadka, dhaqaalaha iyo talada iyo sharciyaddana waala helaya, nacasnimadda ugu badan waxaa ay fuuleysa saddexda xisbi Qaran ee ku heshiin waayay inay doorasho qabsadaan ee khilaafkooduna sanado jiitamaayo”ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Dhinaca kale waxaa uu madaxweyne Muuse Biixi kulan deg degga ugu baaqay gudoomiyayaasha labada xisbi mucaarad.

Waxaanu yidhi, “Doorashada dib u dhacaysa dhexdeenana khilaaf ayay ku abuureysa iyo naceyb dhexdeena ah, waayo qofka la doortay mudo shan sanadooda hadii uu kursigii baneyn waayo oo sida xilku meertada u yahay la waayo.

Kii kale ee kursiga sugayeyna colaad ayuu ka qaadaya, iyo naceyb ka kordhaaya, arrimaha dibadana waa ay inaga dhaawaceysaayo dad tashan kari waayay oo doorasho ku heshiin waayay dee yaa la macaa milaayaa? Waxaa la odhanaya dadka doorasho ku heshiin wayaay mayagaa hadhba inoo jiidayaa.

Sidaasi darteed waxaan doonaya in aan uga baaqo labada gudoomiye ee xisbiyadda Mucaaridka ah in aanu shir deg degga isugu nimaadno, tobaadka fooda inagu soo haya bilowgiisa ugu danbeyn si loo gorfeeyo khilaafaadkan si loo dhammeeyo oo dalkuna doorasho u gallo”.

 

Leave a Reply