Taliska Booliska oo Wakaaladda Biyaha Hargeysa kala Wareegay Saldhig Cusub

0
588

Qore Khadar M. Xaashi

Hargeysa (Dawan) Taliyaha guud ee ciidanka booliska Somaliland sarreeya gaas Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) ayaa maareeyaha wakaaladda biyaha ee magaalada Hargeysa Maxamed Cali Daarood kala wareegay dhismaha xarun loogu tallo galay ciidamada booliska oo laga hirgaliyay deegaanka Geed Deeble.

Xaruntan ayaa ah mid loogu talo galay in ay ciidamadu ka ilaaliyaan seeraha iyo deegaanka biyo baalaadhinta caasimada Hargeysa.

Sidoo kale waxaa uu taliyaha ciidamada boolisku faray ciidamadii saldhigaasi lagu ibo-furay in aan wax deegaameyn cusuba laga sameyn karin seeraha deegaanka Geed Deeble ee ay ka sococto hawsha biyo balaadhinta caasimadda Hargeysi.

Maareeyaha wakaalada biyaha ee magaalada mudane Maxamed Cali Daarood ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Meesha kaliya ee la hubo inay biyo ku jiraan ama ha bataan ama ha yaraadaane meesha la manaafacaadsan karaa waa Geed Deeble, waxaa inagu waajiba in deegaameynta laga ilaaliyo, in deegaanka la ilaaliyo si aanay isu badelin ciidi iyo dhirtiiba, waxaa kale oo inagu waajiba in la keeno qorshe lagu qabanayo biyaha”

Taliyaha guud ee ciidanka booliska Somaliland sareeya gaas Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) ayaa faray ciidamadii saldhigaasi lagu iba furay in aan wax deegaameyn cusuba laga sameyn karin seeraha deegaanka Geed Deeble ee ay ka sococto hawsha biya balaadhinta caasimadda Hargeysi waxaanu yidhi “Goobtan oo saldhigan uu ka dhisan yahay oo aanu maanta la wareegayno kaasi oo ku yaala seeraha Gee Deeble, waa Wadnihi wadankeena ama wadnihi Hargeysa, ninka askariga ah marka wax la barayo si uu naftiisa u badbaadiyo waxaa la bara Wadnaha iyo Madaxa meeshani waa wadnihii seerahaasi lama ogola.

Anigu amarkaan bixinaya waxaa weeye ciidankaa booliska ee saldhigan waxaan faraya in cidii hore ee deganeydna ay dawladu maareyn doonto cid danbe oo ku soo biiri kartana aanay jiri karrin, ciidankana waanu soo kordhin doona INSHA ALLAH waxaa aanu maanta la wareegeyna saldhigan iyo gaadhigan xagayaga danbe taagaan, kaasi oo aanu kala wareegeyno maareeyaha wakaalada biyaha ee magaalada Hargeysa oo hawshaasi diyaariyay, isaga oo ujeedada uu kalaha ay tahay in ay biyuhu ilaashamaan.”

 

Leave a Reply