Guddoomiyaha Badhan oo ka Hadlay Khasaare ka Dhashay Roobab ka Da’ay Deegaanka

0
550

Qore Khadar M. Dhako

Hargaysa (Dawan)- Guddoomiyaha Gobalka Badhan Maxamuud Xaamud Cumar ayaa sheegay in Roobabkii Muddooyinki ugu dambeeyay ka da’ayay Goblada bari dalka Somaliland ay khasaare soo gaadhsiiyeen qaybo ka mid ah deegaannada gobolka.

Maxamuud Xaamud Cumar oo shalay la hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in Xeebta Ceelaayo Roobabku ay khasaare u gaysteen lix Laash, shan iyo toban guri oo ku yaalla magaalada Laasqoray, isla markaana khasaare aad u xoogan uu ka soo gadhay roobabkaasi Magaalooyinka Afoole, Ragaad, Daadin, Marcad iyo Mircid.

Maxamuud Xaamud Cumar oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Roobkii muddooyinkii ugu dambeeyay ka da’ayay Deegaanka Gobalkka Badhan waxa ka dhashay xoogaa khasaare ah, waxaana roobkaasi ka da’ay Xeebaha iyo Buuraha. 13 Laash ayaanay khasaare u gaysteen roobkaasi oo ay ku baabiiyeen Xeebta Durduri, Ceelaayo waxa uu ku burburiyay lix Laasha, dhulkaasi waxa ay leeyihiin Beero Magaalo Xeebeedka Laasqoray waxa wax yeello ka soo gaadhay roobabkaas shan iyo Toban guri iyo shan beerood, sidoo klae Ceelkii ay Magaaladu ka cabi jirtay waxaa awday daadkii, sidoo kale Magaalada Durduri waxa waxyeelo ka soo gaadhay Roobabkaas shan iyo labaatan Beerood, waxa kale oo wax yeelo ka soo gaadhay Wadooyinkii magaaladaas, waaxaana halkaaasi ku dumay shan guri.

Magaalada Ceelaayo Toban guri ayaa ku dumay, siddeed beeroodna waxyeelo ayaa ka soo gaadhay roobabkaas. Muddo toban cisho ah ayuunu hayay Roobku dhulka buuralayda ah ee Magaalooyinka Ragaad, Afoola, Daadan, Markad iyo Mircid, halkaas Khasaare aad u Xooggan ayaa dadka ka soo gaadhay Roobabkaas, waxaana go’doon ah jidadkii deegaankaasi loo marayay, dadkaasi waxa ay u baahanyihin gurmad, ka dawlad ahaanna waannu la Xidhiidhnay, waxa aanu ku talo jirnaa in dadkaas halkaas ku dhaqan la gaadhsiiyo gurmad, waxaana aan ku baaqayaa in gurmad loo fidiyo dadkaas”.

Leave a Reply