Wasiirrada Wasaaradaha Biyaha iyo Warfaafinta oo Kormeeray Mashruuca Biyo Balaadhinta Magaalada Laascaanood

0
596

Qore Khadar M. Xaashi

Laascaanood (Dawan) Wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha Somaliland mudane Maxamed Muuse Diiriye iyo Wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa bulshada reer Laascaanood ugu bushaareeyay in ay heli doonaan biyo ku filan.

Sidoo kale wasiirka Biyaha Somaliland ayaa waxa uu sheegay in ay ku dadaalayaan sidii bulshada reer Laascaanood loogu heli lahaa biyo macaan oo ay cabaan.

Dhankiisa wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa wasiirka biyaha kula taliyay in bulshada wixii kaga soo baydha uu u samro.

Waxaaney sidan ka sheegeen kormeer indha indheyna oo ay ku tageen goobta ay ka socoto biya balaadhinta magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha Somaliland mudane Maxamed Muuse Diiriye ayaa ugu horreyn ka hadlay sida ay uga go’an tahay in ay bulshada reer Laascaanood ay biyo ku filan u heli lahaayeen waxaanu yidhi “Waan hubaa biyaha Laascaanood inaanay fogeyn, laakiin biyo la cabi karro ayaaney aheyn oo mushkiladda heysatay Laascaanood ayay aheyd, haddii loo hellay rag fikira oo bulshadooda u dadaala oo la yimaada qaab wixii hore ka gedisan oo meesha biyo kaneenaan aad iyo aad ayaan u hanbalyeynayaa, waxaa leynooga baahan yahay Laascaanood inaanay biyo waayin waxaana inoo balana in ay dadkaasi biyo helaan, mudo dheer ayay Laascaanood biyo la’ayd dawlad kasta oo timaada loo taag waa”

“Xeerka biyaha dalka waxaa uu u baahan yahay oo lagu maamuli karra laba arrimood shaqo ay dawladda iyo kuwa madaxa banaani wada wadaan uun baa loo baahan yahay, magaalada Laascaanood waa magaalo weyn, dad badan ayaa soo gallaya, ummad badan ayaa wax ka hadleysa, warka waxaa dhaama uun wixii la arkay” ayuu yidhi wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore.

 

 

Leave a Reply