Dhaqaale Loogu Yaboohay Waxbarashada Dalal ay Ka Mid Tahay Jamhuuriyadda Somaliland

0
1885

GPE waxa kale oo ay ballan-qaaday $ 3 Milyan oo wax lagaga qabanayo xaaladaha degdegga ah ee iskuulada abaaruhu saameeyeen ee Somaliland

 

 

 

Washington (Dawan)- Iskaashiga Caalamiga ah ee Waxbarashada (GPE), ayaa u oggolaaday deeq wadarteedu gaadhayso US $ 110 Milyan oo dollarka Maraykanka ah dalalka ay qeyb ka tahay Jamhuuriyadda Somaliland, si loogu horumariyo nidaamyada waxbarashada iskuulada.

Sida lagu baahiyey warbixin shalay lagu daabacay mareegta GPE, ayaa lagu faahfaahiyay dalalka ka faa’iidaysanaya deeqdan GPE , waxaanay tilmaantay warbixintu in dalalka deeqdan ka faa’iidaysanaya ay ka mid yihiin Bhutan, Burkina Faso, Cabo Verde, Cote d’Ivoire, Tansaaniya, Kenya, Somaliland, Somalia’s (Puntland) iyo Zimbabwe. Sidoo kale GPE oo ah urur fadhigiisu yahay dalka Marakyanka ayaa sannadkii hore ku bixiyey in ka badan 312 Milyan.

Julia Gillard, oo ah Madaxa Guddiga Iskaashiga Caalamiga Waxbarashada ayaa tidhi “Maaddaama waddamada aan wada shaqeyno ay sii wadaan inay maal gashadaan waxbadan oo agabyadooda gudaha ee dhinaca waxbarashada ah, maalgelinta dibeddu sidoo kale waa mid u muhiim ah guushooda.” “Deeqdan cusub waxay gacan ka geysan doontaa in la dhaqaajiyo horumarka dhabta ah in arday badan fursado u helaan waxbarashada, gaar ahaan gabdhaha iyo carruurta ka soo jeeda bulshooyinka danyarta ah,” ayaa lagu yidhi warbixinta mareegta GPE.

Ururka Iskaashiga Waxbarashada Caalamiga ah ee GPE ayaa sidoo kale ballan-qaaday inay ku bixinayaan dhaqaale gaadhaya $ 3 Milyan, wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah ee iskuulada ay abaarahu saameeyeen ee Somaliland iyo sidii loo kordhin lahaa saamiga gabdhaha ee iska diiwaangelinaya iskuulka.

 

 

Leave a Reply