Daraasad Laga Sameeyey Carruurta Buurbuuran Oo Lagu Ogaadey In Buurnidu Ay Saamayn Ku Lee Dahay Maskaxdooda

0
487

Daraasad muran badani ka dhashay oo ay sameeyeen koox Saynisyahano ahi ayaa lagu sheegay natiijadii kasoo baxday in carruurta Buurbuuran ama jidhkooda uu culayska badani saaran yahay ay la kulmaan caqabad dhinaca maskaxda ah.

Culayska jidhka , gaar ahaana Baruurta ayay khubarrada daraasadan samaysay ku sheegeen in ay saamayso Maskaxda carruurta, iyada oo ay meesha ka baxdo qaybta loo yaqaano Cerebral Cortex oo ah qaybta masuulka ka ah go’aan qaadashada, Fikirka ,Firfircoonida maskaxda iyo Hal abuurka.

Waxa ay kooxdan Cilmibaadheyaasha ahi ku andacoodeen in carruurta dugsiyada dhigata ee Buurbuurani ay ku hooseeyaan kuna xun yihiin imtixaanadda tijaabooyinka ah ee laga qaado marka loo eego kuwa aan buurbuurnayn.

Sida lagu sheegay warbixin lagu daabacay wargeyska The Sun oo uu qormadan kasoo xigtay wargeyska Dawan  , khubarrada ayaa ogaatey in Dubka sare ee Maskaxda qofka buurani uu yaraado ama dhuubto , iyada oo ay sababayso baruurta badan ee qofka saaran , waxaanay saamayn ku yeellataa ugu dambayn qaybta Xifdiga iyo go’aan qaadashada ee maskaxda.

Ilaa hadda khubarrada daraasadan samaysay wax cadayn ah uma hayaan in waxyeellada soo gaadhaysa qaybta maskaxda ee Cerebral Cortex ay masuul ka tahay ama sababayso Baruurta maskaxda raadka ku yeelataa iyo in kale .

Kooxda Daraasadan samaysay oo ka socotay jaamacadda  University of Vermont ayaa tijaabo ku samaysay carruur gaadhaysa tiro ahaan 3,190 carruur ah, kuwaas oo da’doodu u dhaxayso 9 sanno ilaa 10 sanno, waxaanay sheegeen in ay carruurtaas tijaabooyin ka qaadeen, sidoo kalena ay iskaan mariyeen, iyada oo ay intooda badan ahaayeen carruurtaasi kuwo buurbuuran, waxaanay khubarradani tilmaameen in culays badani fuulay qaybta hore ee Cortex-ka loo yaqaano oo maskaxda kamid ah , iyaga oo dhinac dhigay carruurta kale ee dhuudhuuban.

Qaybta Cortex-ka loo yaqaano ee Maskaxda ayaa ah qaybta sare ee Maskaxda oo ah inta badan Xuub, waxaanay door muhiim ah ka ciyaartaa in qofku awood u yeesho in uu wax qorsheeyo iyo in uu maamulo dhaqankiisa.

Dr  Jennifer Laurent oo ka tirsan jaamacadda University of Vermont ee dalka Maraykanka oo ka hadlaayey dhibka Culayska jidhka ee Carruurta, kana mid ahaa khubarrada daraasadan samaynaysay ayaa sheegay in qaybta Cortex-ka ee maskaxdu  ay tahay qaybta agaasinta inta badan shaqada maskaxda, sidaas darteedna uu qofku wax walba joojinaayo qabashadiisa haddii ay waxyeelo soo gaadho ama culays fuulo.

Dr Jennifer ayaa sheegtay in carruurta buurburani ay khatar ugu jiraan Mustaqbalka in ay ku dhacaan xanuunada  khatarta ah , sida Wadne Xanuunka, Kansarka  iyo nooca Labaad ee Macaanka.

 

Leave a Reply