Shirkaddo Ay Waqti Hore Ugu Dambaysay Suuqyadda Mobile-lada Oo Waqtigan Soo Laba Kacleeyey

0
719

Shirkadda Motoroola oo ay iskaashanayaan  shirkaddo kale ayaa soo saartay mobile cusub oo lagu magacaabo Rasaar, kaas oo aad uga duwan Mobile-ladii hore ay shirkaddaasi usoo saari jirtay oo iyagu kan ka duwanaa.

Shirkadda ayay soo saarida Mobile-kan ka caawisay shirkadda dhigeeda ah ee Lenovo, waxaana waqtigan ay shirkaddu samaysay ilaa 20 nooc oo gebi ahaantood wada cusub , iyada oo loo sameeyey taleefankan Shaashad ama murayaad aad u adag, taas oo aan si fudud wax u noqon Karin hadii uu dhulka ku dhaco, waana taleefan isku laabmaaya , iyada oo waqtigan ay lacagtiisu marayso kun dollar.

Dhinaca Dibadda ama Xaga sare markaad eegto, waxa u taleefankani ka shabahaa noocyadii hore ee taleefanadii ay shirkaddani hore usoo saari jirtay, gaar ahaana Raasar V3 taleefanka lagu magacaabo, kaas oo si weyn loo isticmaali jiray waqti waqtiyada kamid ahaa, gaar ahaana sannadkii 2004-tii oo uu soo baxay, waxaanu kaga duwan yahay taleefankaasi hore , isaga oo leh saddex xasawwood oo ay adag tahay in ay kala go’aan marka laysku laabaayo  iyo marka la kala furaayo.

Muraayadda Taleefankan cusub ee Raasaar ee shirkadda Motorola ayaa ah cabir ahaan 6.2 Cm, waana muraayad aad u balaadhan oo si fiican looga daawan karo muqaaladda kala duwan ee Youtube-ka laga helo, sidoo kalena si fudud loogu daawan karo Aflaamta kala duwan , iyaga oo saafi ah.

Taleefankan ayaa marka  laysku laabo leh Muraayad sare oo gacanta lagu  dhaq dhaqaajin karo, taas oo ay kaga muuqan karaan, qofkuna uu ka arki karo fariimaha loo soo diro, sidoo kalena muqaaladda kala duwan ee loo soo diro ama uu u baahdo ayuu qofku si fudud ugala socon karaa Shaashadan yar, iyada oo laga kordhin karo Laydhka taleefanka, waxa kale oo uu ku xidhiidhsan yahay taleefankani Barnaamijka lagu magacaabo Google Assistant oo uu qofku hab cod ahaan ah ula hadli karo marka uu u baahdo.

Shaashadan yar ee Taleefanka Raasar ee shirkadda Motorola waxa ku yaalla Kamarad loogu talo galay in ay laba shaqo qabato, kuwaas oo kala ah in lagu geli karo sawiro qofku xaga hore iskaga qaadaayo iyo  sidoo kalena isla Kamaradan oo qofku iyada oo xaga dambe ah uu iskaga qaadi karo Sawiro , waxna uu ku duubi karo, waxaana loo adeegsanayaa taleefankan oo xidhan iyo isaga oo furanba.

Labadan kamaradood ayaa la kala bedeli karaa Meelaha ay wax ka sawirayaan, iyada oo marka sawirka xaga dambe ee Mobile la adeegsanaayo laga dhigi karo 16 Mega Pixel, waxaanay lee dahay laydh Laysar ah oo isna sawiradda loo isticmaali karo, iyo Falash laga maamulaayo dhinaca Mobile-ka, halka qaybo kamid ah taleefanada shirkadda Motorolla ay lee yihiin laba kamaradood oo hore iyo mid dambe.

Memory-ga ku jira gudaha hoose ee Mobile-kan ayaa ah 6 GB oo laba jibaaran , sidoo kalena waxa jira 128 ilaa 256 GB, kuwaas oo qofka isticmaalaaya u qaadi kara  macluumaad aad u badan , waxa kale oo uu wataa Baytariy dabkiisu hayn karo waqti aad u badan , kaas oo qaadi kara 1730 Mili Ambeer oo dab ah.

Taleefankan ayaa suuqa kula tartamaaya taleefanadda shirkaddaha Samsung iyo Hawaawi ee ugu dambeeyey , gaar ahaana taleefanadii ugu dambeeyey ee ay soo saaraan shirkaddahaasi.

Taleefankan ayaa ka adag , kana tayo badan taleefano badan oo waqtigan suuqyadda yaalla, kuwaas oo aad u qaali ah, lacag badana lagu iibinaayo .

Khubarrada shirkadda Motoroola ayaa sheegay in taleefankan 20-ka nooc gaadhayaa uu yahay hordhac ay u sameeyeen macaamiisha shirkadda, ayna soo wadaan waxyaallo kale oo ay kaga yaabin doonaan dadka xidhiidhka la leh ee macaamiisha u ah.

 

 

Leave a Reply