Xildhibaan Ugu Baaqay Xisbiyadda WADDANI iyo UCID in aanay Jabin Dastuurka dalka

0
541

Qore Khadar M. Dhako

Hargaysa (Dawan)- Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdillaahi Muxumed Qawdhan oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa u soo jeediyay Xisbiyadda Mucaaradka ah ee Waddani iyo Ucid in aanay jabin dastuurka dalka u yaala.

Cabdiraxmaan Cabdilaahi Qawdhan oo shalay u Warramayay Wargayska Dawan ayaa waxa uu sheegay in ay dastuuri tahay Muddo kordhinta Golaha Guurtida u Sameeyay Golaha Wakiillada, isla markaana aanay waxba Sharciyayn Xisbiyadda Mucaaradka ahi.

Cabdiraxmaan Qawdhan oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa aan u arkaa in ay khaldan yihiin Xisbiyadda Mucaaradka ahi, muddo kordhinta Golaha Guurtida u sameeyay Golaha Wakiilada waa Dastuuri, qodobka 83aad ee Dastuurka ayaa sheegaya muddo kordhinta loo samaynayo Golaha Wakiilada, markaa sidaas ayay Sharci ku tahay muddo kordhinta Golaha Wakiiladu sameeyay, Xisbiyadda Mucaaradku waxba ma sharciyeeyaan. Waxaana aan arkayay Niman Siyaasiyiina oo suuqa iska magacaabay oo lahaa dacwad ayaanu gaynay Maxkamadda sarre oo ka dhan ah muddo kordhinta Golaha Guurtida u sameeyay Golaha Wakiilada. Siyaasiyiintaa la baxay Madasha Wadatashiga oo aan la garanayn meel ay ka yimaadeen, Xasan Guure iyo Maxamed Xaashi ayaan ka garanayaa Maxkamadda sarre ayaynu leenahay, nidaam ayaynu leenahay, nidaamka Sharciga ah ayaana shaqaynaya.”

Sidoo kale Xildhibanka ayaa waxa uu u soo jeediyay Xisbiya Mucaaradka ah in ay ixtiraam dastuurka dalka u yaala, waxaana uu yidhi “Xisbiyadda Mucaaradka waxa aan leeyahay Sharcigu ma iyagaa, Dastuurka ayuu dalku ku samaysanyahay oo Golayaasha iyo Xukuumaddu ku samaysanyihiin, markaa iyaga ayaa Qayral Sharciya marka ay leeyihiin Golaha Guurtida, Golaha Wakiilada iyo Maxkamadda sarre Sharci maaha, waxaana aan usoo jeedinayaa Xisbiyadda Mucaaradka ah in ay ku ekaadaan Mucaaradnimadooda oo aanay jabi Dastuurka dalka u yaala, haddii kale iyaga ayaa la waayi doonaa.

Beesha Caalamka uma taliso Jamhuuriyadda Somaliland ee inaga ayaa ka talina dalka, waxaana ay fadhiisanaysaa Sharcigaa aanu anagu samaynay ee mudada ugu kordhinay Golaha Wakiilada”.

 

Leave a Reply