Madaxweynaha JSL oo Saadaaliyey in Guusha Mr Johnson Dardar Gelin Doonto Xidhiidhkii Somaliland iyo Dalka Ingiriiska

0
622

Dhambaal hambalyo ah oo Madaxweynaha JSL u diray Ingiriiska

 

 

Hargeysa (Dawan):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalialnd Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Raysal-wasaare Boris Johnson, kadib guusha uu ka gaadhay doorashooyinkii ka dhacay dalka Ingiriiska, waxaanu tilmaamay in ay jiraan cilaaqaad taariikhi ah iyo dano ay wadaagaan Somaliland iyo dawlada Ingiriisku.

Mr Johnson, Raysal Wasaaraha dalka Ingiriiska oo si weyn guul uga gaadhay doorashadii dalkaasi ka dhacday dorraad ayaa farriin Madaxweynaha JSL Md Muuse u diray ku hambalyeeyey guusha xad dhaafka ah ee uu gaadhay.

Fariin bartiisa Twitter uu ku qoray Madaxweynaha JSL Md Muuse Biixi ayuu ku yidhi, “Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Somaliland iyo dadkeeda, hambalyo Raysalwasaare Boris Johnson, guushaada xad dhaafka ah.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa farriintiisa xusuusiyey Raysalwasaare Mr Johnson inay jiraan danno iyo cilaaqaad dalalka Somaliland iyo Ingiriisku wadaagaan, isagoo yidhi, “Somaliland iyo Ingiriiska waxay lahaayeen cilaaqaad taariikhi ah iyo dano ay wadaagaan.”

Gebagebadii Madaxweynaha JSL ayaa saadaaliyey in guusha Mr Johnson, raysalwasaaraha Ingiriisku dardargelin doonto xidhiidhkii Somaliland iyo Ingiriisku lahaayeen, waxaanu yidhi “Waxaan rajeynaynaa inay tani (xidhiidhkaasi) ku sii horumari doonto si weyn marka loo eego hoggaankaaga wanaagsan.”

Farriinta Madaxweynaha JSL Md Muuse Biixi Cabdi ayaa kadib guul xisbiga Muxaafidka Ingiriiska iyo hogaamiyahooda Mr Boris Johnson si weyn ugu guulaysteen doorasho khamiistii dalkaas ka dhacday.

Leave a Reply