Bulshada Saboolka Ee Maraykanka ah!

0
768

Waxay ku nool yihiin Maraykanka , waxayna degan yihiiin deegaano ay ku yar tahay adeegyada waxabarashada iyo caafimaadka, dhalinyaradooda waxa haysata fakhri aad u ballaadhan.

Waxay caadaystaan isticmaalka daroogada iyo isdilka oo joogto u ah, ka dib markii ay ku qanci waayeen nolosha ay ku jiraan ee aad u liidata.

Waxay ka cabanayaan shaqo la’aan iyo cunsuriyad joogto taasi oo mararka qaar dilal loogu geysto.  Bulshadani waa Hinidad cascas ee dalka asal ahaan u deganayd. Hogaamiyaha Qabiilada Hindida cas Mr.Black Haw ayaa dhawr qarniyo ka hor reer Yurubkii ku soo duulay ka sexeexeen qoraal ah inuu dego meelo gaar ah kana guuro magaalooyinka.

Sexeexa ayaa lagu sameeyaya baal shimbireed.  Mar danbe ayuu sheegay in aanu sidaasi  moodayn  maxa yeeelay waxba ma akhriyi jirin mana qori jirin. Sidaas ayay dalal badan oo reer Yurub ahi uga sexeexeen wixii ay iyagu rabeen shucuubtii badawda ahayd. Qabiiladan Hindida cas ayaan xuquuq iyo ixtiraam ku lahayn Maraykanka. Welina ku jirta nolol adag

Leave a Reply