Hoyaadii Sababta U Noqatay Horumarkiisa

0
540

Wuxu ku soo noqday wiilkii yari gurigooda, waxaana uu hooyadii gacanta  ka geliyay warqad ay usoo dhiibeen maamulka Dugsigu hoose ee uu dhiganayay oo ahaa fasalka 3aad. Iyadoon  hadal ayay akhris ku bilowaday, waxa yar ka dibna way ilmaysay. Waxa ku qoraa “ Wiilkaagani waa Qabi (Nacas) aan waxba fahmin, mar danbe looma ogola inuu ku soo noqdo dugsiga” . Waxay goosatay markiiba inay wiilkeeda gurigeeda wax ku barto, runtiina way samaysay, markii uu weynaadayne waxay la kaashatay qaar ka mid ah macalimiinta oo ka caawiya mudooyinka.

Markii hooyadii dhimatay Thomas Edson wuxu ahaa ragga dunida ugu curin badan fikradaha cusub.  Maalin isagoo baadhaya sanduuqii hooyadii lahayd ayuu ka soo saaray waraqad ay ku qorayd ““ Wiilkaagani waa nacas aan waxba fahmin, mar danbe looma ogola inuu ku soo noqdo dugsiga” .  Maalintaasi  Thomas wuxu ooyay saacado badan, wuxu ku qoray xusuus qorkiisa “  Thomas Edson wuxu ahaa Qabi aan waxba fahmin, laakiin deeqda hooyadiisa yaabka lahayd ayaa ka dhigtay hal abuure lala amankaagay”.  Thomas Edson waa ninka soo saaray laambada dunida maanta u baxaysa ee laydhka, iyo aalado kale oo badan. Aqoontii aan hagrashada lahayn ee hooyadii ayaa ka dhigtay handa dunida wax ku soo kordhiyay oo caan ka noqday.

Leave a Reply