Mucjisada Dhimashada Faylasuufyada!

0
624

Maxay Sabab Ugu Noqdaan Geerida?

Taariikhda ayaa lagu diiwaan geliyay in raga falsafadda iyo sayniska ku xeeldheeri ay noqdeen kuwo iyagu iskood haddana nafta isaga jara oo isdeldela ama sun cabba, iyadoon ilaa haddana aan sabab cad loo hayn. Laakiin waxay ku wareeraan baadhista nolosha iyo noolaha, iyo dhimashada iyo waxa ka danbeeyay, waxaana ay gaadhaan meel aanay maskaxdoodu ka jawaabi karin oo aan xamil u lahayn , taasina waxay sababta inay iyagu naftooda galaaftaan oo nafta iskaga jaro hadba waxa uu awoodo.

Waxaana la sheegay in faylasuufkii ugu horeeyay ee is dilay uu ahaa falsuufkii giriiga ahaa ee lagu magacaabi jiray Socrates kaasi oo ah ka curiyay falsafadda galbeedka.   Tan iyo wakhtigaasi waxay noqotay joogto in is dilka iyo naf iska jaridda kooxdan caanka noqday ee aqoonta lagu tirinyay.

Dimitris Liantinis oo ah nin Giriig ah waxa uu ku xeeldheera falsafadda waxaana uu ahaa macalin wax ka dhiga jaamadda Athens ee dalka Giriiga gaar ahaan cilmiga falsafadda iyo luqadda Giriiga. Waxa uu qoray 9 buug oo loo turjumay dhowr luqadood oo kala duwan.

Liantinis ayaa la waayey 1dii Juun 1998. Darawal taksi ayaa sheegey inuu qaaday borofessor Liantiinis isla isla maalintaasi kagana degay meel u dhow Sparti (oo u dhow Taygetos) isagoo sheegay inuu xidhnaa shaadh buluug ah iyo kabo cadaan ah.

Bishii July sanadkii 2005 ayaa laga helay lafo banii’aadam agaagarka buurta Taygetos, baadhitaan caafimaad oo lagu seemayay ayaa lagu ogaaday inay ahaayeen lafihiisa, laakiin lama cadayn sababta dhimishada.

Warqaddii ugu danabysay ee uu qoray inan uu dhalay ayuu ku muujiyay inuu nacay nolosha iyo sida ay u khariban tahay.

Sanadkii 2007 , bishii Septemebr 22, waxa isaga iyo gabadhiisu ay sun cabeen oo dhintay faylasuufkii lagu magacaabi jiray Andre Gorz , oo u dhashay dalka Austeria, waxaan uu ahaa faylasuufyada caanka ahaa qarinag 20 aad .

Guy Louis Debord oo ka mid ahaa faylasuuf yada qarniga 20aad oo u dhashay dalka Faransiiska ayaa dhintay 30 November sanadkii 1994 ka dib markii uu isagu is toogtay.

Gilles Deluze waxa uu isaguna faylsuufyada qarnigii 20aad caanka aha waxaana uu dhashay dalka Faransiiska. Waxa uu jaamacadda Baariis ka qaatay shahaadada MA. (Master) , waxaana uu aad wax uga qoray taariikhda falsafadda reer galbeedka.

Bishii November 4,  sanadkii 1995 ayuu dhintay ka dib markii uu iska soo tuuray daaqadda gurigiisa dabaqa ahaa.

Mr. Kelly Wuxu ahaa khabiir hubka Bailojiga ah oo u dhashay dalka Ingiriiska kana tirsanaa wasaaradda gaashaandhigga ee Ingiriiska. Khabiirka Kelly waxa kale oo uu ka mid ahaa xubnihii qaramada midoobay u xulatay Ciraaq sanadkii 1994-1999 si ay usoo baadhaan hubka halista ee Sadaam Xuseen lagu eedeeyay inay haysato.

Waraysi uu la yeeshay saxafiga BBC Anthony Gilgen oo ku saabsana shakiga iyo been-abuurka Pentagon ee hubka Ciraaq iyo warbixinta burburinta ah ayaa ku abuurtay Mr.Kelly dhibaatooyin nafsaani ah.   Bishii July 17, sanadkii 2003 ayaa maydkiisa laga helay guri u dhow Oxfordshire. Baadhis rasmi ah (Official reports) oo lagu sameeyay ayaa muujisay inuu qaatay 29 kiinin xanuun biiye (painkiller) waxaana uu sababay inuu gooyo hawlabaha bidix ee jidhkiisa, isagoo ka niyad jabay nolosha oo doonayay inuu dhinto. Kelly waxa uu dhashay sanadkii 1944.

Mr.Valery Legasov isaguna waa Khabiir Saynisyahan oo dalka Ruushkana u dhashay waxaana uu lahaa aqoon ku xeel dheer cilmiga chemisteriga, isla markaana wuxu xubin ka ah Akaadamiga sayniska ee Ruushka. Waxa uu dhashay sanadkkii 1936, si cad ayuu uga hadli jiray halista uu leeyahay hubka Atomic.

Wuxu ka mid ahaa xubnaha guddi loo doortay inay soo baadhaan qaraxii hubka halista ee 1986 ka dhacay Torshabil ee Ruushka, isagoo ka soo diyaariyay warbixin halista hubkaasi. Laakiin arintaasi aya keentay in dawladdu ka cadhooto kana saarto liiska dad loogu talo galay in la siiyo biladda geesinimada ee Ruushka. Mr.Valery Legasov waxa la sheegay in markii uu ka jiray baadhista qaraxii Torshible ee Ruushka ka dhacay 1986, uu soo gaadhay shucaaca Nuyucliyeerka , taasi oo ku keentay niyad jab uu xakamayn kari waayo. Waxaana la sheegay in 7 Abril sanadkii 1988 uu dhintay ka dib markii uu is deldelay.

 

Leave a Reply