Gaajadda Oo La Ogaadey Inay Faa’iidooyin U Lee Dahay Caafimaadka

0
450

Koox khubarro caafimaad ah oo labadii sanno ee ugu dambeeyey daraasad ka samaynaayey Gaajadda iyo caafimaadka qofka xidhiidhka ka dhexeeya ayaa ugu dambayn soo saaray natiijadii kasoo baxday Daraasadaasi.

Dr Valery Sergeyev oo ah khabiir ka tirsan Xarunta Federalka ee Sayniska,Cilmibaadhisaha iyo Habka Nafaqaynta oo ka hadlay natiijadaasi ay ka heleen daraasadda ay wadeen ayaa sheegay in Soonka 12 saacadood ilaa 36 saacadood uu saamayn wanaagsan ku yeesho xaaladda bani’aadamka.

Khabiirkan oo u waramaayey wargeyska Washington Post oo uu Wargeyska Dawan qormadan kasoo xigtay ayaa sheegay in cunitaanka wax la cuno waqti kooban in ay jidhka ka caawiso in jidhku uu dib u habeeyo waxyaalaha dibadda kasoo gala, sidoo kalena uu u bedelo waxyaalahaasi Glucose , isla Markaana uu Glucose-taas usii bedelo Tamar.

Waxa kale oo uu Mr Valery sheegay in mudada uu qofku gaajoonaayo in uu jidhka qofku helo tamar badan, kuwaas oo uu kala baxo Fatty Acids-ka jidhkiisa ku jira, taas oo ka caawisa qofka in uu iska rido culayska badan ee jidhkiisa saaran, sidoo kalena uu ka badbaado Wadne xanuunka, ayna furmaan xididada dhiiga ee jidhka iyo habka muruqyada jidhka oo kala baxa.

Sidoo kale Dr Valery waxa uu tilmaamay in Gaajada waqtiga kooban uu qofku gaajoodaa in ay keento in uu dib u awoodaysto habka difaaca ee Jidhku, isaga oo bilaaba in uu la dagaalamo waxyaalaha Infections-ka ah ee jidhka soo gala, Fungi-ga iyo Fayrasyada kala duwan ee jidhka ku jira intaba, waxaanu tilmaamay in ay arrintaasi keento in dadka cuntada badan cunaa ay xanuunsadaan marka ay waayaan waxyaalahan Gaajaddu jidhka ku keento oo dhan.

Cuntada cunisteeda ayuu tilmaamay Dr Sergeev in ay ku wanaagsan tahay in la cuno toddobada subaxnimo ilaa toddobada Habeenimo, iyada oo waqtiyo badan loo kala dhexaysiinaayo waxyaalaha badan ee dadku cunaan oo caloosha u diidaaya nasashada, waxaanu soo jeediyey in lagu bedelo Biyo cuntada badan haddii aan laga maarmayn.

 

Leave a Reply