Dhakhaatiirta Wadnaha Oo Dadka Ku Nool Caalamka Usoo Bandhigay Habab Lagu Ilaalin Karo Caafimaadka Wadnaha

0
624

Koox Dhakhaatiir ah oo sannadihii ugu dambeeyey daraasado ka samaynaayey hababka ugu fudud ee loo ilaalin karo Caafimaadka wadnaha ayaa markii ugu horeysay soo saaray natiijo hor dhac ah oo ku saabsan Cilmibaadhista ay mudada wadeen.

Dhakhaatiirtan oo intooda badani kasoo jeeda dalka Jarmalka  ayaa sheegay in ay ogaadeen mudadii ay daraasadan wadeen  in  joojinta cabitaanka Sigaarka   iyo samaynta Jimicsi badani uu yahay xalka keliyaata ee lagu badbaadin karo caafimaadka wadnaha qofka.

Dr Torsten Dieel oo u dhashay dalka Jarmalka , lana hadlaayey wargeyska The Focus oo uu qormadan kasoo xigtay wargeyska Dawan ayaa sheegay  in Joojinta Cabitaanka Sigaarku ay yarayso in ay qofka ku dhacaan Xanuunada Wadnuhu, waxa uu sidoo kale cadeeyey in aanay qofkaas ku dhicin Xanuunada Dhiig Karka  iyo Subagowgu, isaga oo soo jeediyey in loo baahan yahay in qofku sameeyo Jimicsi dhinaca jidhka ah.

Dr Dieel oo kamid ah Dhakhaatiirta Xarunta Caafimaad ee Sana Hospital oo ku yaalla Dusseldorf ayaa sheegay in ay lagama maarmaan tahay in qofku isticmaalo waxyaalo Nafaqo leh, sidoo kalena uu joogteeyo Jimicsiga Jidhkiisu samaynaayo, taasina ay tahay mid kamid ah hababka ugu wax tarka badan ee uu qofku isaga ilaalin karo Wadne Xanuunka.

Hababka jimicsi ee laysaga ilaalin karo Wadne Xanuunka ayuu ku sheegay in ay kamid tahay saddex saacadood oo uu qofku  toddobaadkii  Galo Gym, taas oo kala bixinaysa muruqyada Wadnaha, waxa kale oo uu tilmaamay in qofka oo orod sameeya, sidoo kalena socod dheer sameeyaa ay keento in ay Furmaan xididada Dhiiga ee wadnaha taga, taas oo keenaysa in wadnuhu helo dhiig ku filan, si wanaagsana uu ugu shaqayn karo.
“ haddii aynu helo Cuntooyin nafaqo leh oo isku dheeli tiran, sidoo kalena aynu raacino Jimicsi , waxaan qabaa in aynu heli karno Culays isu dheeli tiran oo jidhkeena ah, waana mid muhiimad weyn u leh in  ka hortaga wadne xanuunka”. Ayuu yidhi Dr Torsten Dieel.

 

Leave a Reply