Shirkadda Microsoft iyo Sony Oo Suuqyadda Soo Geliyey Games Cusub

0
511

Shirkadda Microsoft ayaa soo saartay qalab aad u yar oo lagu magacaabo NINTENDO SWITCH oo ah qalab aad u yar oo lagu ciyaari karo Gameska ama ciyaaraha kala duwan ee hore loogu ciyaari jiray Mobiles-ka gacanta iyo telefishanada oo lagu rakiban jiray qalabka ay samayso shirkadda Playstation, iyada oo lagu naanayso qalabkan cusub Jiilka cusub ee Games-ka.

Shirkadda Microsoft oo kaashanaysa Sony ayaa soo saartay qalabkan yar, iyada oo aad uga duday qalabyadii hore loo isticmaali jiray , iyada oo doonaysa in ay gebi ahaanba bedesho qalabyadii hore loo isticmaali jiray Qarnigan 21-naad .

Qalabkan cusub ee NINTENDO SWITCH ayaa 60% suuqyada caalamka ee Games-ka lagu iibiyo qabsaday , iyada oo ay shirkaddaha soo saaray kusoo kordhiyeen qayb cusub oo 3DH lagu magacaabo , kaas oo ka dhigay qalabkan Gameska ka ugu fiican sannadkan ee lasoo saaro marka loo eego qalabka lagu ciyaaro ciyaaraha, waxaana loogu ciyaari karaa si fudud , isaga oo leh qaybo kala duwan oo ciyaaro ah, iyada oo uu qofku ku ciyaari karo ciyaarta uu doono , waxaanu noqday qalabkii ugu horeeyey ee hab casri ah loogu ciyaaro muqaal 3D ah, iyada oo aan loo baahnayn muraayadaha indhaha la gashado ee Games-ka lagu ciyaaro, iyada oo ay qalabkan la socoto Kamarad loogu talo galay in uu qofku isku sawiri karo, sidoo kalena uu ku sawiri karo waxa gudihiisa ku jira, sidoo kalena waxa lagu daawan karaa qalabkan yar Aflaamta ama Filimada kala duwan,isaga oo qofka sitaa ku isticmaali karo gurigiisa gudihiisa iyo dibadiiba.

Qalabkan yar oo soo baxay bishii September ee ina dhaaftay ayaa ah mid aad u fudud oo yar , iyada oo muraayadiisa laga dhigay habka 3DS-ka loo yaqaano , waxaanu noqday Jiilkii sagaalaad ee qalabkan lagu ciyaaro kamid ah ee sannadkan soo baxa.

Qalabkan  yar ayay shirkaddaha Microsoft iyo Sony u sameeyeen hab adag oo aanu waxba ku noqonayn haddii uu dhaco, isaga oo tartan la gelaaya qalabka ay soo saarto shirkadda Xbox  ee Xbox SCARLETT iyo Playstation 5-ka, kuwaas oo la filaayo in lasoo daayo sannadka soo socda.

Qalabkan ay soo saartay shirkadda Microsoft waxa tartan culus kula jira oo kale qalabyadda ay soo saarto shirkakadda Xbox , iyada oo qalabkan Games-ka ee shirkadda Microsoft lagu sameeyey memory lamid ah ka Playstation-ka , kaas oo awood u leh in uu qaado ciyaaraha lagu sameeyo nidaamka loo yaqaano 8 K-ga , kuwaas marka lagu ciyaaraayo soo baxa iyaga oo aad moodo sidii dad caadi ah oo kale, si toos ahna u muuqda, waxaanay shirkadda Microsoft doonaysaa in ay ku xidho qaybaha dambe ee qalabkan SSD oo isna ah memory la geliyo qalabyada lagu ciyaaro , kaas oo qaadi kara ciyaaro aad u badan una kala duwan, sidoo kalena waxa uu ciyaaraha ka dhigaa mid aad u dheeraynaaya xawaare ahaan, waxaanu awooda qalabkaas ka dhigayaa mid afar jibaaran.

Ciyaaraha lagu shubay Games-kan cusub waxa kamid ah ciyaarta loo yaqaano Sea of Thieves , taas oo ah ciyaar lagu ciyaaraayo badda dhexdeeda, waxaana hore loogu ciyaari jiray Games-ka shirkadda Xbox, inkasta oo waqtigan ay shirkadda Xbox ku dartay qaybo cusub ciyaartan iyo ciyaaraha kale ee  the Outer Worlds , waxaanay ugu talo gashay in ay kusoo saarto qalabkeeda cusub ee Xbox3, iyada oo ay shirkado kale hore ugu fashilmeen in ay ciyaarahan soo saaraan.

Waxaana waqtigan ku guulaysatay shirkadda Microsoft oo suuqyada kusoo celisay, iyada oo doonaysa inay waxyaalo cusub kusoo darto, sidoo kalena ay kula tartanto shirkaddaha kale ee Xbox iyo Playstation-ba.

Shirkadda Sony ayaa iyaduna soo saartay qalab cusub oo aad u shabaha ama ugu eg Playstation-ka qalabka loo yaqaano, kaas oo calaamadda uun waxooga kaga duwan, waana qalab aad ugu soo eg Playstation 5-ka qalabka loo yaqaano, waana qalab loogu talo galay in lagu ciyaaro, kaas oo la filaayo in uu soo baxo qaybta dambe ee sannadka soo socda.

Shirkadda Xbox  oo ay tartan adag ku wada jiraan shirkaddaha Microsoft iyo Sony ayaa iyaduna wada qorshe ay qalabyo cusub kusoo saarayso,  iyada oo sidoo kalena Shirkadda Sony ay aad uga taxadirayso tartankaasi, qalabkeedana ay intiisa badan ka dhigtay kuwo ku shaqaynaaya 8k, sidoo kalena Memory ahaan ayay ka dhigtay mid weyn ama balaadhan.

Qalabkan yar ee ay shirkadda Microsoft soo saaray ayaa ah mid ay ku jiraan ciyaaro kala duwani, kuwaas oo Games-ka ku jiraa aanay waxba kaga duwanayn Aflaamta aynu daawano, waxaanaad moodaysa xaqiiq markasta oo aad ciyaarahas ku ciyaarto, waxaanay qofka kicinayaan shucuurtiisa, isaga oo qaybaha dagaaladda u qaadan kara dagaal dhab ah oo uu ku jiro.

Goobaha lagu ciyaaraayo ayaa iyaguna ah kuwo aad loo qurxiyey loogana shaqeeyey, kuwaas oo aan lamid ahayn goobihii hore, waana goobo aad uga duwan .

Ciyaarahan ayaa loogu talo galay in ay dareensiiyaan qofka waxyaalo xaqiiq ah, sidoo kalena ay u sahlaan in uu maskaxdiisa ka shaqaysiiyo, isaga oo ka fekeraaya sidii uu u guulaysan lahaa ama wax u dili lahaa , isagana ilaalin lahaa in uu ku guuldaraysto ciyaarahan,waxaana marwalba qofka ciyaaraaya ka dhinac ciyaaraaya dad Computers ah oo loogu talo galay in ay dhiirigeliyaan, intaas oo dhamina waxay ku jirtaa qalabkan yar ee ay shirkadda Microsoft soo saartay.

Leave a Reply