La Taliyaha Sharciga ee Golaha Wakiiladda Oo Ka Hadlay Sababaha ay Xilka Ku Waayi Karaan Koomishanka Doorashooyinka Qaranka

0
456

Qore Khadar M. Dhako

Hargaysa (Dawan): La taliyaha arrimaha sharciga ee golaha Wakiilada Somaliland Garyaqaan Mustafe Maxamed Xaaji Daahir, ayaa ka hadlay sababaha xilka ay ku waayi karaan Koomishanka Doorashooyinka Qaranka.

Mustafe Xaaji Daahir oo shalay u waramayay Telefishanka qaranka Somaliland waxa uu sheegay in Xeerka Doorashooyinka sheegayo sababaha uu ku banana karo Xubnaha Koomishanka Doorashooyinka,

Waxaanu yidhi, “Xeerarka Doorashooyinka Qaranka waa xeerar Maamul oo laga soo dheegtay Dastuurka Somaliland Waxa jira Saddex marxaladood oo uu ku Banaankaro xilka Xubnaha Koomishank Doorashooyinka.

Waxa ka mida haddii xubin geeri ku timaado xilku waa banaanayaa hadii xubin ka midi is casisho wuu Banaanayaa waxa kale oo uu Banaanayaa marka uu muddo Xileedka Shanta sanno ee Koomishanka Doorashooyinka Qaranka uu dhamaado”.

“Waxa kaloo jira Saddex marlaxadood oo xilka lagaga qaadi karo, waxa ka mida hadii ay jabiyaan qodob ka mida Shuruudiihii lagu soo doortay cida awooda u leh ee xilka ka xayuubin kartaa waa Madaxweynaha.

Sida uu sheegayo Xeerka 20 waxaana aan soo jeedinayaa in tashuushka dadka lagu furayo laga daayo Sharcigu waa qoranyahay waa la arkayaa.

Masuuliyiinta Qaranka ayayna u yaalaan fulinta Go’aamadaa ay soo saareen gudidii Dhexdhexaadinta waana aan soo dhawaynayaa waxaana aan ku Hambalyaynayaa gudida waxa ay sii Raaciyeen go,aamadaa ay soo saareen in sharciga la mariyo”ayuu yidhi garyqaanku.

 

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply