Maxaa Ku Joojiyay Werwerka ?

0
476

Waxay ahaayeen lamaane safar dhinaca badda ah is raacay, , nasiib daro Markabkii ay  la socdeen waxa ku kacay mawjado dabaylo baaxad weyn leh waxaana uu noqday mid baaxa degaya.
Inkasta oo rakaabka oo dhami ay naxdin ku habsatay, haddana arinka waxa sii xoojiyay dhawaaqi ka soo yeedhay Capatanka oo sheegay inay noloshu halis ku jirto ka dib markii uu cadeeyay in cimiladu ay xun tahay oo ay yar sida lagu badbaadayaa.

Wax yar ka dib meelo markabka ka mid ah ayay biyuhu soo galeen, taasina waxay keentay in rakaabka intii beer jilicsanayd ay oohin bilaabaan.

 

Lamanaaha safarka ah ayay gabadhu ninkeeda eetay isagoo aanay werwerka iyo argagaxa rakaabka haysta aan la wadaagin. Waxaana ay ku tidhi : “ Miyaanay ku dhibayn nolosheena halista ku jirta, maxaa ka joojiyay werwerka ? “.

Ninka ayaa middi uu haystay soo qaaday oo beerka xaaskiisa ku abtay waxaana uu ku yidhi “ Miyaanad ka baqayn inaan kugu gooyo beerka  oo ad dhimato? “.

Iyadoo dhoola cadaynaysa ayay ku tidhi “ Maya, waan ku kalsoonahay in aanad sidaasi yeelayn“.

Ninka ayaa ku yidhi “ hadda maxaad Allah (sw) ugu kalsoonaan weyday sidan si ka sii badan ? Allah (sw) isaga haya nabadgelyada aan hadda dareemayno

Leave a Reply