Xikmadaha

0
897

Madaxweynihii hore ee Simbabwi Robert Mugabi ayaa isna yidhi isagoo hablaha la hadlaya :”Waxaad inan yahay Rajaynaysaa inaad Xidhiidh La samaysid 30 Jir Taajira.”
Aabahaana isagoo 60 Jira Ayaanu Wali Taajir Noqon” Maxaa Kuu Diiday inaad Daacad Noqoto Sida Hooyadaa oo weli odaygeedii saboolka ahaa la nool.”

 

Malaha xumi wuxu ku nacsiiyaa saaxibadaada, qoyskaaga qaarkood, wuxuuna yareeya kulanka asxaabta. Allah (sw) weydiiso inuu kugu arsaaqo malaha wanaagsan kaasi ayaa ah raaxada qalbiga iyo fayoobidda laabta.

 

Waa inaad U noqotaa qof wanaagsan kuwa ku baahan markaad maamul ama maal hayso.maxaa yeelay waxaad la kulmi doontan markaad halkaasi weydo. Mana jiro qof weligii saraynaya.

 

Biyaha baylka ah ee is laba rogaya, kama arkaysid  sawrikaaga, sidaas darteed ma arki kartid xaqiiqda adigoo cadho karaya. Sug inta cadhadu kaa degayso, ka dibna go’aan gaadh marka aad degto si aanad u murugoon.

 

Jeebadaha madhani qofka kama joojiyaan inuu guulaysto, laakiin quluubta iyo maskaxaha madhan ee faaruqa ah ayaa  joojiya guusha. Dr.Ibrahim Fiqh

Haddii mashquul ku tahay inaad dad kale burburiso, wakhti u helimaysid inaad naftaada dhisto.

Leave a Reply