Qore Khadar Cabdi Muuse
Laascaanood (Dawan): Badhasaabka gobolka Sool ayaa sheegay in tiradda ugu badan ee dadka barokaceyaasha iyo qoxoontiga ah guud ahaan Somaliland ay ku nool yihiin gobolka Sool.
Waxaanu badhasaabku ka codsaday hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha qoxoontiga iyo barokaceyaasha in ay wax ka qabtaan xaaladda nololeed ee barokaceyaasha ku sugan gobolkaasi.
Isagoo xusay in barokaceyaasha ku nool degaamadda gobolka Sool aanay helin haba yaraatee wax taageero ah dhinaca hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah iyo xukuumadda Somaliland-ba.
C/qani Maxamuud Jiidhe, waxa uu sidan ka sheegay kulan ku saabsan arrimaha barokaceyaasha oo shalay ka qabsoomay magaaladda Laascaanood.
Kaasoo ay goob joog ka ahaayeen saraakiil ka kala socday hay’adaha UNHCR, ARC iyo hay’adda arrimaha qoxoontiga iyo barokaceyaasha Somaliland. Kadib socdaal ay masuuliyiinta hay’adahaasi ku tegeen Laascaanood.
Waxaanay weftigaasi shir kula yeesheen magaaladda Laascaanood madaxda iyo masuuliyiinta hay’adaha iyo laamaha dawladda ee ka hawl gala gobolka Sool.
Kulankaasi oo uu furay badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaa lagu falan qeeyay sidii caawimo iyo taageero bani’aadanimo ay u heli lahaayeen qoxoontiga iyo barokaceyaasha ku sugan degaamadda gobolkaasi.
Badhasaabka Soo loo hadal ka jeediyay furitaanka kulankaasi ayaa sheegay in qoxoontiga iyo barokaceyaasha ugu badan guud ahaanba goboladda Somaliland ay ku nool yihiin gobolka Sool.
Isagoo xusay in dadkaasi barokaceyaasha ahi aanay helin haba yaraatee adeegyadda ay u baahan yihiin, isla markaana ay qabaan baahiyo fara badan oo wax ka qabasho u baahan.
Waxaanu yidhi, “Shirkani in uu ka qabsoomo magaaladda Laascaanood, aad baan u soo dhawaynayaa. Gobolkan Sool, waa gobolka ay ku nool yihiin tiradda ugu badan ee qoxoontiga iyo barokaceyaasha ah, goboladda jamhuuriyadda Somaliland oo dhan.
Laba boqol iyo dhawr iyo labaatan kun oo qoys, oo qoxoonti iyo barokaceyaal ah isugu jira ayaa lagu qiyaasaa in ay joogaan gobolkan. Adeegyo fara badan iyo baahiyahoodda wax laga kaafiyaana ma jirto.
Waxaan rejaynayaa in shirkani uu ka soo baxo, isku duwid fiican ooh ore loogu sii socdo”.
Badhasaabka ayaa ka codsaday hay’adaha gaar ahaana UNHCR in ay ka hawl gasho degaamadda gobolka Sool, sida goboladda kale ee dalka, maadaama oo ay hadda ka jirto nabadgeliyo la isku halayn karo.
“UNHCR waxaan ka codsanayaa in ay degaamadda gobolkan Sool ka hawl gasho. Weliba in ay soo degaan, oo ay seexdaan habeenkii, oo ay arkaan degaanku sida uu yahay.
Sool in ay tahay meel nabad ah, oo uu la mid yahay degaamadda kale ee Somaliland oo dhan, waxna laga fulin karo” ayuu yidhi badhasaabka Sool.
Sidoo kale madax hay’adda UNHCR ee Somaliland Mrs. Zara Khan, oo iyadna hadal ka jeedisay kulankaasi ayaa sheegtay in shirkani uu muhiim u yahay sidii loo heli lahaa warbixin xaqiiqo ah oo la xidhiidha xaaladda barokaceyaasha gobolka Sool.
Taasoo fure u noqonaysa in ay iyagu-na sameeyaan qoondo dhaqaale ama miisaaniyadeed oo wax lagaga qabanayo xaaladaha haysta qoxoontiga Sool ku sugan.
Waxaanay tidhi, “Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan shirkan ka soo qayb gallo. Waxaan idinku adkaynayaa dhamaantiinba, in aad ogaataan in shirkani uu muhiimad weyn u yahay dariiqii lagu heli lahaa warbixinno xaqiiqadda ku qotoma, oo ku saabsan xaaladda dhabta ah ee qoxoontiga ku sugan gobolkan Sool. Maxaa yeelay? dhamaantiinba waxaad ka shaqaysaan ama ka hawl gelaysaan gobolkan”.
“Haddii la hello warbixinno noocaas ah, oo xaqiiqo ah, waxay taasi anaga-na naga caawinaysaa ama noo fududaynaysaa in aanu u samayno qoondo dhaqaale oo wanaagsan gobolkan.
Iyo sidoo kale sidii wax looga qaban lahaa, arrinta barokaceyaasha” ayay tidhi madaxa UNHCR ee Somaliland.
Geesta kale guddoomiye ku-xigeenka hay’adda qoxoontiga iyo barokaceyaasha Somaliland Faadumo C/laahi Cumar, oo kulankaasi hadal ka jeedisay ayaa tilmaantay in shirkaasi uu qayb ka yahay shirar hore oo heer qaran ah oo bishiiba hal mar la qabto.
“Shirkani, waa shir hay’adda arrimaha qoxoontiga iyo barokaceyaasha Somaliland ay qabato bishiiba hal mar, oo heer qaran ah.
Waxaana la iskaga xog waraystaa, sidii wax loogu qaban lahaa, loona dar-dar gelin lahaa arrimaha dadka qoxoontiga ah. Iyadoo ay ka soo qayb galaan dhamaanba hay’adaha ka shaqeeya arrimaha bani’aadanimadu” ayay tidhi Faadumo C/laahi.
Iyadoo hadalka sii wadatayna waxay tidhi, “Waxaa la isla qaatay in shirkan heer gobol laga dhigo, maadaama kaasi heer qaran yahay. Waxaanu shirkii kan ka horeeyay ka dhacay magaaladda Burco ee gobolka Togdheer”.