Shirkadda GTS oo Soo Dhaweysay Go’aanka Madaxweynaha

0
416

Qore:Faysal Xiis Afgaab

Hargeysa(Dawan):- Maamulka guud ee Shirkadda GTS oo ah shirkad waddani ah lagana leeyahay Somaliland kana shaqaysa Somaliland iyo dalalka deriska isla markaana gacanta ku haysay muddo Kaadhka dhaqdhaqaaqa gaadiidka,ayaa si buuxda usoo dhawaysay la wareegidda dawladdu kula wareegayso kaadhka dhaqdhaqaaqa gaadiidka.

Waxaa kale oo maamulka Shirkadda GTS oo ballan qaaday in ay mar walba diyaar u yihiin in ay soo dhaweeyaan wax kasta oo horumar ah oo ay ku tallaabsato Xukuumadda Somaliland.

Waxaanay sidaa ku sheegeen war-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Shirkadda GTS Cali Gobanimo

War-saxaafadeedkaas oo dhammaystiranina wuxuu u dhignaa sidan.

“Shirkadda GTS waa shirkad waddani ah oo ka shaqaysa dalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Wadamada Bariga Afrika, iyada oo la shaqaysa dowladaha iyo ganacsiyada gaarka loo leeyahay ee wadamadaasi.

Shirkadda GTS waxa ay si buuxda usoo dhaweynaysaa go’aanka Madaxweynaha JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi ee la wareegida Kaadhka Dhaqdhaqaaqa Gaadiidka JSL.

Dowladda Somaliland waxa ay qorshaysay hirgelisayna in ay casriyeyn ballaadhan ku samayso Buugii hore ee Dhaqdhaqaaqa Gaadiidka JSL una bedeshay Kaadh electronic ah lehna “Database” laga heli karo dhammaan xogta gaadiidka dalka si loola jaanqaado Technology-ga casriga ah loogana hortago foojari badan oo ku dhici jiray Buuga hore, sidoo kale Kaadhkan cusubi wax uu wax wayn ka taray amniga dalka iyo kobaca dakhliga dowladda.

Waxaa xusid mudan in Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta jidadka JSL oo uu hormuud ka yahay wasiirka wasaaraddu iyo Shirkadda GTS hirgaliyeen Casriyeynta iyo Tayeynta Buugii hore ee Dhaqdhaqaaqa Gaadiidka oo si dhamaystiran loogu guulaystay, gaadhayna dhamaan gobolada dalka, iyada oo uu noqday dalka Somaliland dalalka kooban ee casriyeeyey adeegan.

Shirkadda GTS waxa ay caddaynaysaa in hawsha wareejinta Kaadhka Gaadiidka JSL ahayd hawl mudaba soo socotay oo ay ka wada shaqaynayeen Shirkadda GTS iyo Dowladda Somaliland haatana uu Madaxweynaha JSL si rasmi ah usoo gunaanaday.

Shirkaddu waxa ay si wayn ula shaqayn doontaa gudida Madaxweynuhu uu usaaray wareejinta Kaadhka Dhaqdhaqaaqa Gaadiidka JSL iyada oo ula diyaar noqon doonta wax kasta oo looga baahdo mudada kala wareega iyo taageerada iyo tababarka shaqaalaha dowlada ee maamuli doona adeegii shirkaddu u haysay dowlada Somaliland.

Ugu Danbayn Shirkadda GTS oo dowlada Somaliland kala shaqaysa isticmaalka technology-da casriga ah waxay uga mahadnaqaysaa wada shaqaynta wacan ee ka dhaxaysa. “

 

Leave a Reply