“Waxaa Muuqata Saan-saan Wanaagsan oo ah in is-faham laga gaadho qabashada Doorashooyinka”..… Xildhibaan Siciid

0
424

Qore Khadar M. Dhako

Hargaysa (Dawan): Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi, ayaa sheegay in ka gole ahaan ay diyaar u yihiin qabashada doorashooyinka golaha Wakiiladda iyo goleyaasha degaanka.

Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi oo shalay u waramayay warbaahinta waxa kaloo uu sheegay in xukuumadda iyo goleyaasha qaranka ay ka shaqaynayaan sidii loo qaban lahaa doorashooyinka.

Waxaanu intaasi ku daray in gogashii uu u fidiyay madaxweynuhu xisbiyadda mucaaradka ay weli u taalo. Waxaanu yidhi, “Waxa muuqata saan-saan wanaagsan oo xukuumadii iyo goleyaashii qaranka ay ka shaqaynayaan siina xoojinayaan is-faham in laga gaadho qabashada doorashooyinka golaha Wakiilada iyo golaha degaanka.

Waxaana madaxweynuhu ku dhawaaqay in arrimihii doorashooytinka qabashadaooda laga shaqaynayo iyo in gogashii uu u fidiyay madaxweynuhu xisbiyadda mucaaradka ay sideedii ay u taalo golaha Wakiilada malaha muddo kordhinta loo sameeyay ee labadii sanno ee laysku haystay Koomishanka Doorashooyinka sababta Xisbiga Waddani ayaa lahaa.

Anagu diyaar waxa aanu diyaar u nahay hadaanu nahay Golaha Wakiilada oo aanu soo dhawaynaynaa farsamo ahaan iyo Sharci ahaan marka ay dhamaato qabashada Doorashooyinka in laga qayb galo”.

Sidoo kale Siciid Maxamed Cilmi ayaa waxa uu Sheegay in dalku marayo meel Wanaagsan. “Markaa guud ahaan dalka eego Waxa aan qabaa in dalku marayo xiligii ugu Wanaagsanaa ee Maaliyadda nidaamkii ugu Wanaagsanaa marayo iyo arimaha Dhaqaalaha ay marayaan meel Wanaagsan markaa rajo wanaagsan ayaan qabaa”ayuu yidhi xildhibaanku.

 

 

 

 

 

Leave a Reply