“Dhaqaalahii Gurmadka Somaliland Waannu Helnay Laakiin Lacagtii Soomaaliya Weli ma Hayno”

0
499

Qore Maxamuud Walaaleeye

Beledweyne (Dawan)- Maamulka Gobolka Hiiraan ee dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya, Guddiga Somaliland ee gurmadka Fatahaadda iyo kan gobolka Hiiraan ayaa shalay si wadajir ah u dhagax dhiggay mashruuc biyo xidheen bilow u noqonaya qorshe ballaadhan oo la doonayo in biyaha lagaga weeciyo magaalada.

Sida lagu baahiyey shabakada Hiiraan, deeqdii lacageed ee ka timid Somaliland oo gaadheysay [$600,000] oo dollar ayaa [$ 400,000] oo ka mid ah waxa shalay lagu daah furay mashruucan oo wax weyn ka taraya sidii wax looga qaban lahaa daadadka dhibaatada ba’an ku haya bulshada ku dhaqan magaalada, iyadoo sidoo kalana ay jiraan lacago kale oo la sheegay in loo hayo sii socoshada mashruucan biyo xidheenka.

Guddoomiyaha Guddiga Gurmadka Somaliland Jamaal Ceydiid Xassan ayaa sheegay in markii ay soo gadheen magaalada Beledweyne ku fikireen bal sida laga yeelayo dhaqaalaha ay ku deeqeen bulshada reer Somaliland.

”Waxaanu isla garannay in aan lacagtaa oo dhan loo isticmaalin wax la cunno ee taa badalkeeda bal lagu bilaabo mashruuc biyaha lagaga weecinayo magaalada, Somaliland ayaana noqotay ciddii ugu horreysay ee arintaa ku dhiirata, waxeynu ku daah furnay 400,000 oo dollar” ayuu yidhi” Jamaal Ceydiid.

Lacagta inta soo hadhay oo dhan $ 200, 000 oo dollar ayaa la sheegay in loo qeybin doono dadka danyarta ah ee wali la daalaa-dhacaya dhibtii ay ka dhaxleen Fatahaaddii dhawaan ku dhuftay magaalada.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Guddiga Gurmadka Fatahaadda gobolka Hiiraan Xaaji Cismaan Dhagaxoow ayaa sheegay in tani bilow u tahay qorshe fog oo la doonayo in gabi ahaanba magaalada looga leexiyo biyaha sanad walba ku soo fataha, waxaana uu ku amaanay guddiga Gurmadka Somaliland sida ay mashruucan ugu dhiiradeen.

Xaaji Cismaan Dhagaxoow ayaa sheegay in ilaa iyo hadda aanay  soo gaadhin lacagtii $ 500,000 ee dollar ee ay dowladda Soomaaliya sheegtay in ay ugu deeqday Fatahaadda gobolka Hiiraan.

”Dowladda iyada oo inoo jirta 335km ayeey na soo gaadhi weyday, walaalaheen Somaliland oo intaa aad ogtihiin inoo jirana wey na soo gaadhsiiyeen dhaqaalihii ay ugu talagaleen gobolka, dowladda waxaan leenahay waa waqtigii ugu baahi badnaayeen dadka ku dhaqan gobolku, dhaqaalaha aad sheegteen in aan ku deeqdeen waan idinka sugeynaa” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale ayaa sheegay in Somaliland mudan yihiin in mashruucan loogu magac-darro magaalada Hargeysa, madaama ayuu yidhi ay noqonayaa kuwii ugu horreeyay ee iyagu tallaabadan qaada.

 

Leave a Reply