Wasiirka Ganacsiga DDS oo Somaliland ku Boggaadiyay Horumarka ka Tisqaaday

0
536

Qore Khadar M. Xaashi

Hargeysa (Dawan) Wasiirka xafiiska ganacsiga iyo warshadaha Dawlad deeganka Soomaalida Itoobiya (DDS) oo magaalada Hargeysa kaga qaybgalay Carwo ganacsiyeed ayaa si weyn u bogaadiyay horumarka ka tisqaadeay Jamhuuriyadda Somaliland.

Wafti balaadhan oo uu hoggaaminayay wasiirka xafiiska ganacsiga iyo warshadaha DDS mudane Bashir Shaafi oo ay ka mid ahaayeen, wasiirka xafiiska dhalinyarada iyo ciyaaraha DDS mudane Xasan Faarax, masuuliyiinta daladda ganacsatada DDS iyo xubno kale ayaa ka qaybgalay carwo bandhigeedka, wax-soo-saarka warshadaha Somaliland oo shalay ka furmay magaaladda Hargeysa ee caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Carwadan oo uu furay madaxwaynaha somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa Wasiir Bashiir Shaafi ka sheegay in mudada ay socdaalka ku joogaan Somaliland ay kulano laqaadan doonan masuuliyiinta wasarada ganacsiga somalilad iyo ganacsatada somaliland si iskaashi ganacsi loo sameeyo.

Kulankan ayaa waxa kale oo ka soo qaybgalay wafti ay hogaminaysay madaxweyne ku xigeenka deegaanka Qoomiyadda Oromiya ee Itoobiya marwo Chaltu zaynu iyadona xaflada qudbad ka jeedisay.

Wasiirka xafiiska ganacsiga iyo warshadaha DDS mudane Bashiir Shaafi isaga oo ugu horeyn arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Aad iyo aad ayay ugu mahadsan yihiin masuuliyiintii iyo dhammaan warshaddaha iyo agabka ay soo bandhigeen, waana tusaale fiican u ah ganacsatadda Somaliland taasi oo tusaysa halkey taagan yihiin halka la hiigsanayo.

Dhab ahaantii ganacsatadu waxaa loo baahan yahay in ay garab istaagaan dawladda, hadii aanay ganacsataddu garab siinin siyaasadda dawladdu halkii la rabey ma gaadheyso”

Wasiirka xafiiska ganacsiga iyo warshadaha DDS mudane Bashiir Shaafi isagoo sheegay in isaga iyo waftiga uu hogaaminayo ee ka socda deegaanka Soomaalidu ay bogadinayan ganacsiga iyo wax-soo-saarka Somaliland, islamarkaana loo baahan yahay in la xoojiyo iskaashiga dhanka ganacsiga ee labada dhinac waa DDS iyo Somaliland waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Xidhiidhka ganacsi ee ka dhaxeeya labada wadan waa mid aad iyo aad u qoto dheer maaha mid maanta bilaabmey, sharaf ayey noo tahay maanta in halkan nalagu casuumo, kana soo qayb galo wax-soo-saarka Somaliland.

Somalinadna dhab ahaantii wixii ay soo saartay waxaa ay u baahan tahay in saddex ay u qaybiso waa mid koobaade doorka koowaad waxaa iska leh dalka iyo dadka Somaliland oo bulshada dhexdeeda wax laga iibiyo lana yareeyo wixii dibadda laga keenayo, doorka labaadna waxaa iska leh dalka Itoobiya o ah meeshii aad wax u dhoofin laheydeen, waayo qalabkii aad sameyneysaan waxaa loo baahan yahay meeshi la geyn lahaa, dad baad u baahan tihiin, dal aad wax u dhoofisaan oo aad walaalo tihiin ayaad u baahan tihiin, khaasatan marka Itoobiya la sii kala qaad qaado labada deegaan ee Soomaalida iyo Oromadda Somaliland waxaa ka dhaxeeya xidhiidh ganacsi, ehelnimo, walaalnimo, cida koobaad ee xidhiidh ganacsi la leh Somaliland waa DDS, waxaanu diyaar u nahay in aanu wanaajino wax kasta oo Somaliland naga dhaxeeya oo ugu horeeyo ganacsigu”

“Anagu waxaa aanu nahay albaabkii Itoobiya laga galayay, marka ganacsatadda Somaliland waxaan leeyahay anaga ayaa albaabkii idiin ah, maanta Alxamdulilaah waxaa aanu dawladda Faderaalka Itoobiya ku leenahay mid ka awood badan tii shalay, taasina waxaa ay dawladda Somaliland u tahay sharaf iyo cisi, wada shaqeyn fiican ayaanu yeelaneyna, laydhka Itoobiya waxaa uu jooga Wajaale marka waxaa habboon in ay warshaddaha Somaliland laydhka Itoobiya isticmaalaan” ayuu yidhi wasiirka xafiiska ganacsiga iyo warshadaha DDS mudane Bashiir Shaafi.

 

Leave a Reply