Madaxweynaha Somaliland Oo Xadhigga Ka Jaray Carwada Wax Soo Saarka Wershadaha Dalka

0
813

Hargaysa (Dawan): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta xadhigga ka jaray carwo ballaadhan oo lagu soo bandhigayey wax soo saarka wershahada waddaniga ah oo lagu qabtay caasimadda Somaliland ee Hargaysa.

Munaasibadda lagu soo bandhigayo wax soo saarka wershadaha dalka, ayaa waxa madaxweynaha kala qayb-galay wefti ballaadhan oo ay hoggaaminayso madaxweyne ku-xigeenka ismaamulka dawladda Deegaanka Oromada ee dalka Itoobiya, Marwo Chaltu Sani Ibraahim oo ay xubno ka yihiin qaar ka mid ah wasiirrada maamulka Soomaalida Itoobiya.

Xubno ka mid ah golaha wasiirrada Somaliland, hoggaanka Rugta ganacsiga iyo wershedlayda Somaliland, saraakiisha ugu sarraysa ururka Wershedlayda, hoggaanka xisbiga KULMIYE iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan.

Waxaana madasha lagaga hadlay muhiimadda ay horumarka qaranka u leedahay inay ganacsatadu ku dhiirradaan yagleelidda wershedo wax soo saar oo dalka laga hirgeliyo si loo kordhiyo wax soo saarka gudaha iyo shaqo abuurka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa si mug leh u bogaadiyey dedaallada kala duwan ee wershedlayda dalku ku tallaabsadeen, isla markaana ay xukuumad ahaan taageero buuxda la garab taagan tahay ganacsatada dalka ee ku hawllan wax soo saarka dalka gudihiisa.

Madaxweynuhu waxa uu daaha ka fayday taageerada laxaadka leh ee xukuumaddu la garab taagan tahay dhiirrigelinta wax soo saarka dalka iyo wershedaha dalka gudihiisa ka jira, isaga oo xusay lacago aad u tiro badan oo ay xukuumaddu cashuur-dhaaf ugu samaysay wershedlayda dalka,

Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlayay heerka ay marayaan wershadaha Somaliland iyo waxa laga rejaynayo, waxa uu yidhi, “Wershadaheenu waa bilaw. Weli wershado waaweyn oo aan Lugaha u taagnay ma jiraan. Laakiin, waan ku soconaa.

Dhaqaalaheena ayaa koraya, wershadaheena ayaa koraya, ganacsatadeena ayaa koraysa, dawladda ayaa koraysa.

Weli curdin ayaynu nahay. Dhibaatooyinkeenuna way badan yihiin. Waa se, aynu xalili karnaa marka la isugu tago”.

Waxa kaloo uu sheegay madaxweynuhu in xukuumadu ay cashuur dhaaf aad u badan u samaysay wershadaha dalka. “Dawladdu iyadoo aan dhaqaale badan haysanin, hadda-na sannadkan $14.2 Milyan oo dollar oo cashuur-dhaaf ah ayaanu wershedaha siinnay. Waxaanan sugaynaa oon ku rejo weyn-nahay in aanu wixii kale ee aanu kari karno ugu darno.

Annagoo rejaynayna inay noqdaan kuwa kora, oo dalka dhaqaalihiisa iyo shaqaalihiisu ku xidhnaan doono” ayuu yidhi madaxweynuhu.

Guddoomiyaha ururka wershedleyda Somaliland Maxamed Sheekh, oo halkaas ka hadlay ayaa si kooban u sharraxay ujeeddada carwadan loo qabtay.

Waxaanu hoosta ka xarriiqay inay ka wershedley ahaan uga gol-leeyihiin in bulshadda lagu baraarujiyo isticmaalka wax soo saarka dalka, lagu-na soo bandhigo tayada waxyaabaha ay soo saaraan wershedaha dalka ka jira.

Xoghayaha Rugta ganacsiga iyo wershedlayda Somaliland Ibraahim Ismaaciil Cilmi, ayaa isna dhankiisa tilmaamay in bulshada looga baahan yahay isticmaalka wax soo saarka wershadaha dalka, taasina fure u tahay inay ganacsatadu ku dhiirradaan inay hantidooda dalka gudihiisa ku maalgeliyaan.

Wasiirrada wasaaradaha horumarinta maaliyadda iyo Ganacsiga iyo wershedaha, Dr. Sacad Cali Shire iyo Mudane Maxamed Xasan Sacad (Saajin) oo madasha ka hadlay, ayaa shaaca ka qaaday inay xukuumad ahaan dedaal badan geliyeen taageerada iyo garabsiinta wershedaha dalka gudihiisa ka jira, islamarkaana ay u sameeyeen cashuur-dhaaf aad u badan.

Taasina ay marag ka tahay sida ay xukuumadda uga go’an tahay inay dhiirrigeliso wax soo saarka dalka.

Geesta kale madaxweyne ku-xigeenka ismaamulka Oromada Itoobiya Chaltu Sani Ibraahim iyo wasiirka Ganacsiga iyo wershedaha Ismaamulka Soomaalida Itoobiya Bashiir Saafi, ayaa Somaliland ku ammaanay horumarka dhinacyada kala duwan leh ee ka tisqaaday.

Waxaanay wershedleyda kula dar-daarmeen inay wada-shaqayn dhaw la yeeshaan xukuumadda si hore ugu sii mariyaan wax soo saarkooda.

Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu xadhigga ka jaray carwada wershadaha, waxana uu mid mid u galay wax soo saar kala duwan oo ay carwada kusoo bandhigeen wershedaha dalka ka dhisani.

 

Leave a Reply