Neef Lax Qiimaheedu Gaadhay $ 131!

0
513

Dalka Kuwayt xaraash dadku ka soo qayb galeen ayaa lagu soo  bandhigay neef Lax ah oo la iibinayo. Laxdan suuqa ganacsiga xoolaha keenay waxa qiimaha xaraashkeeda ku dhawaaqaya rag mikiroofon isticmaalaya oo ku dhawaaqyay habdba qiimaha la gaadhay.

Laxdan oo lagu magacaabo “Nacaama” ayaa aad la isagu eryay qiimaheeda iyadoo ugu danbaystii la gaadhay qiimaha 40 kun Dirham, oo dhiganta 131 kun doller.

Lama sheegin qiimaha laxda waxa heerkan gaadhsiiyay iyo astaamaha ama calaamadaha u qarsoon. Mulkiilaha laxda ayaa markiiba danbe sheegay in aan la gaadhi laxda qiimiheedii sida awgeedna aanu ku iibnayan ee uu iska la noqonayo tan iyo inta la gaadhayo qiimaha ay laxdani u qalanto.

Leave a Reply