Xidhiidhka Maskaxda Iyo Jidhku!

0
523

Erayga Saynis waxa kelmad latin ah macnaheedu yahay “Aqoon” cilmigani wax kasta oo dunida dhexdeeda ma dhamaystiro, waxaana jira ariimo badan oo uu ka gaabiyay ama aanu gaadhi Karin.

Cilmiga Saynisku haddii aad u qaadatay inuu gaadhay meel sare, weli waa bilow iyadoo ay adag tahay inay fahmaan sida jidhku u qaato amarada maskaxda.

Waxaana yaab noqotay in marar badan wax qofku  rumaystay oo aan ahayn asal oo Foorjari uu jidhka wax ka bedelo taasi oo ah sida ay maskaxdu u rumaysaty ugana jawaabtay. Tusaale ahaan haddii raadka dawo aan xaqiiqi ahayn qofka la siiyo oo uu rumaysto inay tahay taasi middii saxda ahayd, waxaa cadaatay  inay waxtar u yeelanayso jidhka, sababta rumaysashada caqliga oo keliya, taasi oo uu jidhkuna raacayo amarka caqliga.

Arimahaasi iyo kuwo kale oo badan ayaa ilaa wakhtigan la joogo ay ku wareereen saynis yahanadu sida ay u wada sheqeeyaan Jidhka iyo caqligu, waana arrin aan ilaa maanta aan la fahmin.

Leave a Reply