Madaxweynaha oo la Kulmay Wefti Ka Socday Maamuladda DDS iyo Oromiya ee Itoobiya

0
451

Hargaysa (Dawan): Madaxweynaha Somaliland ayaa habeen hore kulan salaan ah la qaatay weftigii ka socday Killinadda Soomaalida iyo Oromada ee dawladda Federaalka Itoobiya.

Weftigaasi Somaliland booqashada shaqo ku joogay ayaa ka qayb galay bandhiga carwadda wax-soo-saarka wershadaha Somaliland oo doraad uu madaxweynuhu furay.

Waxaana weftigana ka socda maamullada Soomaalida iyo Oromada ee Itoobiya ka yimid hoggaaminaya madaxweyne-ku-xigeenka is-maamulka Oromada Mrs. Chaltu Sani Ibraahim, ayaa kulankooda salaanta ah madaxweynaha kula qaatay xarunta madaxtooyadda.

Waxaanay labada dhinac iska xog-waraysteen xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Somaliland iyo guud ahaanba Itoobiya, iyaga oo madaxweynaha uga mahadnaqay sida walaaltinimada leh ee uu dalka ugu soo dhaweeyay.

Kulankaasi salaanta ah ee uu madaxweynuhu la qaatay weftiga ka socda Itoobiya waxaa ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, xubno ka mid ah golaha wasiirrada iyo safiirka Somaliland u fadhiya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

 

 

Leave a Reply