Somaliland oo ka Qaybgashay Tartanka (Teakword)

0
423

Addis-ababa(Dawan):- Ciyaartoy ka socda Somaliland oo ku ciyaarayay magaca qaranka Somaliland,ayaa ka qayb galay Tartanka ciyaarta Teakword oo labadiisanaba mar la qabto.

Mustafe  Cabdi Aadan oo ah ciyaartoy reer Somaliland ah isla markaana markii afraad tartankan ka qayb galay,ayaa gaadhay halka ugu sarraysa isla markaana ku guulaystay Suunka Madaw.

Ciyaartan oo ah ciyaar caalami ah isla markaana dunida laga ciyaaro ayaa ah ciyaar ku yar Somaliland isla markaana aan laga garanayn ama aan laga xiisayn.

Tartankan ciyaartoyga Somalland ku guulaystay ayaa waxaa ka soo qayb galay,ciyaartoy ka socday dalalka bariga afrika.

 

Leave a Reply