Hawl Kasta U Samayso Hadaf Ku Haga!

0
1033

Waa jir dad ay adag tahay inay saameyn ku yeelato dabeecadaha dadka xunxun ee ku hareeraysan, waxay awood u leeyihiin inay kontaroolaan fikirkooda, hadalkooda iyo dhaqankooda intaba.

Waxa jira dad hadaf  u samaysta arrin kasta oo ay ku dhaqaaqaan, mana ku dhaqaaqan howl iyagoon hadaf  u qorshaysan raacaya mooye.

Nooc dadka ka mid ahi wuxu aqbala dadka dabeecadaha dadka kale haduu dabeecad xun yahay  iyo haddii uu wanaagsan yahayba. Waana uu la dhaqmi karaa qof kasta.

Waxa dadka is dheelli tira danahooda shakhsiga ah iyo danta guud, iyagu wax kasta islama jecla, maha ah danaystayaal, waxay jecel yihiin inay dantooda ka dhex arkaan danta guud.

Nooc kale oo Dadka ah ayaa  dulqaadkoodu badan yahay, howl kasta oo ay qabanayaan kama muuqato degdeg, waxa dhici karta inay gacan culus iyo raajin, leeyihiin laakiin waa dabci ku dhisan ka fiirsi, daganaansho iyo adkaysi oo aanay hawshu waxba u dhimayn. Dadka qaarkood ayaa caqabad kasta oo nolosha ah oo soo waajahada si fudud u maarayn kara iyagoon dareemin murugo iyo niyad jab midna. Halka kuwo kale meel kasta laga maqlayo dhibta haysta, qof kastana u ogaysiinaya haddu yahay mid wax kala qabanaya iyo haddii kaleba, kuwaasi oo waxay noqdaan kuwo ugu murugada badan. Waxa kale oo intaasi u dheer inay necbaystaan qofka kasta oo ay u sheegaan oo aan isaguna iyaga la calaacalin. Haddaba noqo qof hawl kasta qorshe u sameya, oo caqabada soo baxdana xalkeeda gaadhi kara markiiba.

 

 

Leave a Reply