Qisada Xaakimkii Caqliga Badnaa!

0
889

Turjumadda: Axmed A. Haybe

Waxaan ogaaday inuu  Baqdaad yimi nin doonaya inuu  Xajka tago, waxaana uu sitay xabad luulka qaaliga ah oo qiimaheedu dhamaa 1000 Diinaar.  Ninkaasi waxa uu rabay inuu iibiyo Luulkaasi laakiin taasi umay suuragelin, maxaa yeelay wuxu ku doonayay qiima aad u sareeya.

Markii uu soo dhowaaday wakhtigii Xajka wuxu u tegay nin magaalada ku lahaa dukaan aad loogu yaqaanay wanaag iyo aaminaad waxaana uu ku yidhi: “   Walaal waxaan doonayaa inaan tago xajka, waxaanse haystaa luulkan , anigoo ka baqaya haddaan qaato inay tuugtu iga dhacdo, markaa walaal iisii hay inta aan soo noqonayo”

Ninka dukaanka lahaa ayaa eegay Luulka oo indhihiisa soo jiitay, waxaana uu ku yidhi “ Iska tag walaal adigoo degan , aniga ayaa kuu sii  haynaya inta aad soo noqonayso”.

Ninkii ayaa sidaasi  ku tegay Xajkii soona gutay faralkii , waxa uu ku soo noqday Baqdaad isagoo ninkii uga sida xaramka hadyad.  Markii uu tegay gurigii dukaanlaha ayuu garaacay albaabkii. Ninkii dukaanlaha ahaa ayaa ka eegay daaqadda. Xaajiga ayaa ku yidhi “ Aslaamu calaykum walaal waxaan kaaga soo qaaday xaramkii hadyad”.

Ninkii dukaanlaha ahaa isagoo is diidsiinaya ayuu ku yidhi “ Adigu kumaad ahayd?”

Ninkii ayaa ugu jawaabay waxaan ahay ninkii kuu dhiibtay Luulka, miyaanad i garanayn?

Isagoon hadalkii dhamayn ayuu dukaanlihii laad aad u xoog badan ku jiiday kaasi oo meel fog ku tuuray.

Dadkii  magaalada ayaa ku soo ururay , isagoo dadkii uga waramaya qisadiisa iyo sida uu ugu aaminay Dukaanlaha.

Dadkii ayaa ku dheeldheelay iyagoo leh “ waar ninyahow beenta iska daa , ninkani dukaalanaha ahi waa aamine.

Ninkii xaajiga ahaa waxa ku dhacay wareer , ka dibna ninkii ayuu  maalintii labaad ugu  tegay dukaankiisa, waxaana uu ka codsaday inuu siiyo alaabtiisa, waxbse kama helin.

Wuxu iska fadhiistay suuqa isagoo quustay kana werweray nasiib xumadiisa. Laakiin waxa soo maray nin kaasi oo uu arinka uga waramay waxaana uu kula taliyay inuu u tago qaadiga magaalada, kaasi oo uu sheegay inuu mushkuladaha noocan ah u leeyahay garasho iyo caqli badnaan.

Ninkii sidaasi ayuu goostay isagoo isku qaqnciyay inay uga khayr badan tahay fikirka iyo murugada oohinta wadata ee uu dariiqa la fadhiyo.

Markii uu maxkamadda tegay arinkii waxa dhegaystay  Xaakimkii dawladda, waxaana uu ku yidhi tag dukaankiisa berrito oo fadhiiso kaabadiisa, haddii uu kaa kiciyo fadhiiso maalinta ku xigta kaabadda dukaankiisa soo eegaysa oo subaxa ilaa makhribka fadhi, hana la hadlin.

Sidaasi yeel oo halkaasi fadhiiso 3 maalmood adigoon wax hadal odhanayn.Maalinta afraad meesha ayaan kuugu imanayaa waxbaan ku odhanayaa , iiga jawaab su’aalaha aan ku weydiiyo keliya.

Marka aan kaa tago u tag oo weydiiso alaabtaadii inuu kuu soo celiyo haddii uu ku soo celiyo aniga ii kaalay. Wuu gartay Xaajigu hadalka xaakinka.

Sidaasi ayuu saddex maalmood u fadhiisanayay dukaankiisa hortiisa isagoon la hadal. Maalintii afraad Xaakinkii ayaa soo suuqa soo maray isagoo wata faraskiisa waxa ku soo xoomay dadkii iyagoo ilaaladiisuna la socoto, markii uu soo gaadhay dukaankii, waxa hor fadhiyay Xaajigii oo uu salaamay. Xaajigu ma kicin sidii balanku ahaa wuu jawaabay keliya.

Dadkii ayaa dareemay oo la yaabay ninkan iyagoo isku lahaa  muxuu ahaa ninkan uu saalamayo xaakinku ? Ka dibna xaakinka ayaa ku yidhi : “ Xaajiga goormaad timi Baqdaad maxaad ku timi Baqdaad, maxaadse noo soo booqan weyday oo aad noogu soo bandhigi weyday dhibaatooyinkaaga ?

Xaajigu si degan ayuu uga jawaabay oo degdeg ah. Xaakinkii ayaa iska noqday xaajigiina halkiiisii ayuu iska fadhiistay, isagoo dukaanlihii arkayo. Wuu la socday sida xaaladdu ahayd, aadna wuu u naxasanaa. Waxaana uu isku lahaa… Sidee ayaad ninkan u khiyaamaysay , isagoo xaakinka u muuqda inuu yahay nin qariib ah?

Xaajigii ayaa u galay ninkii dukaanka lahaa waxaana uu ku yidhi “ Isoo celi alaabtaydii ?”  Wuu khajilay waxaana uu ku yidhi “ Waa hagaag, waan kaa cudur daaranayaa, ilowshiiyaha ayaa nacdalan, hadda ayaan xusuustay balankaagii. Waxaana uu ka soo saaray luulkii jalxad yar waxaanu u dhiibay Xaajigii isagoo ku dhow inuu dhaco cabsi iyo khajilaad darteed. Xaajigii wuu qaaday luulkii waxaana uu tegay xaakinkii isago uga waramay arinkii.

Xaakinka ayaa raaciyay koox ilaaladiis ah waxaana uu ku yidhi albaabka dukaanka sudh, hana la wada arko iyagoo ku dhowaaqaya abaalka khaa’inku waa kaasi. Markii ay dadkii soo mareen way la wada yaabeen markii danbe ninkii ayaa qaatay oo  la tegay dhulkiisa isagooo la yaaban sida xikmadda leh ee xaainku wax u maareeyo. Kitaab Al-Adkiyaa ( Ibnu Qayim Al-Jawsi) 

 

Leave a Reply