Aas Qaran oo lagu Sagootiyay Duqii Hore ee Caasimadda Hargeysa

0
618

Qore Khadar M. Xaashi

Hargeysa (Dawan) Waxaa shalay magaalada Hargeysa gaar ahaan Bariga magaalada aas qaran lagu sagootiyay ALLE haw naxariiste maayarkii hore ee Caasimadda marxuum Cawil Cilmi Cabdalla oo dorraad geeriyooday.

Waxaa aaskiisa ka qayb galay, xubno ka mida golaha wasiiradda, maayarka iyo ku xigeenka caasimadda, afhayeenka madaxtooyadda, gudoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, siyaasiyiin iyo waliba bulshadda qaybaheeda kala duwan.

Dhammaan qaybihii kala duwanaa ee ka qayb galay aaska marxuum Cawil Cilmi Cabdalla ayaa ku dheeraaday taariikhdii uu lahaa marxuunku.

Wasiirka wasaaradda xannaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumeysiga Siciid Sulub Maxamed ayaa sheegay in uu ka mid ahaa xubnihii uu Afweyne ku xidhay jeelka Mandheera waxaanu yidhi “Maanta waa aaskii Marxuum Cawil Cilmi Cabdalla, geeridu waa xaq, halyey qaaliya oo Qaranka Somaliland ka baxay ayuu ahaa Cawil, taariikhdiisana meel walba waa lagu hayaa, raggi halgamey ee wakhtigii Siyaad Barre xidhay ee Lixle jeelka ka jabiyey ayuu ku jiray”

Siyaasi Cali Maxamed Warancade oo isna goobtaasi ka hadlay ayaa yidhi “Cawil waxaa uu ahaa nin wanaagsan, waxaa aanu ILLAAHEY uga baryeynaa inuu Janooyinkiisa ka waraabiyo, danbigiisana ILLAAHEY dhaafo, waxaa kale oo aan halkan tacsi uga diraya umadda reer Somaliland guud ahaan”

Afhayeenka madaxtooyadda Somaliland mudane Maxamuud Warsame Jaamac ayaa ka tacsiyadeeyay qoyskii iyo Qaraabadii iyo qarankii uu ka baxay marxuumku waxaanu yidhi “Marxuumkaasi aynu maanta aaskiisi joogno ILLAAHEY waxaa aynu uga baryeynaa inuu naxariistii Jano ka waraabiyo, guud ahaan waxaa aanu ka tacsiyadeynaynaa bulsha-weynta Jamhuuriyadda Somaliland oo aanu leenahay ILLAAHEY samir iyo iiman weyn ha inaga wada siiyo, dawladdaha hoose, qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay”

“Marxuum Cawil Cilmi Cabdalla waxaa uu ka mid ahaa raggii laga jabiyey jeelka Mandheera, halkaasi oo uu kaga biiray halgankii SNM, wasiir ku xigeenkii wasaaradda daakhiliga iyo maayir caasimadda Somaliland ayuu soo nqoday, taasi oo aynu ku xusuusan karrno diyaarada taaladda u ah caasimadda Hargeysa, sidoo kale Ishii Cawl” ayuu yidhi Duqa caasimadda Hargeysa mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco.

 

 

Leave a Reply