Saylac oo lagu Qabtay kulan ku Saabsan Maamul-daadejinta Dawladdaha Hoose

0
492

Maamulka Degmada iyo Golaha Deegaanka oo bulshada uga xog-waramay mashaariicda ka hirgelay degmada

Qore: Saleban Cabdi Cali (Kalshaale)

Saylac (Dawan)- Magaalada Saylac ayaa lagu qabtay kulan dadweyne oo ay maamulka degmada iyo xildhibaanada Golaha Deegaanku xog-waran ku saabsan waxqabadka dawladda hoose iyo horumarinta adeegyada aasaasiga ah ku siinayeen shacbiga, dadkuna su’aallo la xidhiidha hannaanka loo maamulay ku waydiinayeen masuuliyiinta.

Shirkan oo ay Bulshadu kula xisaabtamaysay Masuuliyiinta Dawladda hoose iyo Golaha Deegaanka oo ay qabanqaabisay Hay’adda KMC, isla markaana qayb ka ah mashruuca Wadaaga ah ee maamul-daadejinta dawladdaha hoose ee JPLG-ga oo ay fulinayso Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, ayaa waxa lagu qabtay xarunta Dawladda hoose ee magaalada Saylac, waxaana ka qaybgalay Maayirka, Maayir-ku-xigeenka, Xoghayaha fulinta Dawladda hoose, Xildhibaano ka tirsan Golaha Deegaanka iyo dadweyne tiro badan oo ka kala socday qaybaha bulshada.

Maayirka Magaalada Saylac Sacad Daahir Cige, ku-xigeenkiisa iyo xoghayaha fulinta Dawladda hoose ee Degmadaasi oo ugu horrayn halkaasi ka hadlay, ayaa dadweynaha uga warbixiyey mashaariicda kala duwan ee ay dawladda hoose hirgelisay, khaasatan kuwa laga fuliyey mashruuca JPLG-ga, waxyaabaha u qorshaysan iyo mashaariicda hadda socda, waxaanay tilmaameen inay degmo ahaan wixii kaga soo hagaagay qoondada mashruuca sidii loogu talo-galay u fuliyeen, isla markaana waxyaabaha ugu badan ee ay qabteen ay ka hirgeliyeen mashruuca maamul-daadejinta oo ay ku tilmaameen mid halbowle u ah mashaariicda Gobolka iyo Degmada laga sameeyey sanadihii la soo dhaafay.

Masuuliyiinta iyo Xildhibaanada ku wehelinayey kulanku waxa ay taxeen mashaariic isugu jirta dhismeyaal, waddooyin iyo adeegyo laga hirgeliyey deegaamo kala duwan, kuwaasoo ay sheegeen inay dawladda hoose hirgelisay iyadoo kaashanaysa mashruuca JPLG-ga.

Waxa kale oo ay bulshada laga wadaageen mashaariic kale oo ay gacan ka geysteen, kuwaas oo ay Hay’addo caalami ah ka hirgeliyeen degmada, sida mashruuc tababar iyo taageero agab loogu fidiyey kalluumaysatada Degmada oo ay sheegeen in uu kamid ahaa waxyaabihii golaha Deegaanku ka codsaday Hay’addaha.

Maayirka iyo xubnaha kale ee warbixinta siiyey dadweynuhu, waxa ay intaasi ku dareen in ay soo iibiyeen Gaadiid loogu talo-galay dhismaha waddooyinka, kaasoo isugu jira Gaadiidka Iska-rogooyinka ah oo waaweyn iyo Cagafyo, dhawaanna ay bilaabi doonaan dhismaha waddooyinka Magaalada iyo nawaaxigeeda, iyagoo xusay ilaa saddex waddo oo magaalada dhexdeeda ah oo laami laga dhigayo inay qorshaha ugu jiraan.

Dhanka Caafimaadka iyo waxbarashad, waxa ay sheegeen in todobaadka soo socda la furi doono Cisbitaal weyn oo muddo magaalada ka dhisnaa, kaasoo loo diyaarinayey qalabkii iyo dhakhaatiirtii ka howl-gelayey, sidoo kalena deegaamo kamida degmada ay ka hirgeliyeen xarumo caafimaad oo cusub, kuwo kalena dayac-tir iyo qalabeyn ku sameeyeen, xagga waxbarashadana waxa ay sheegeen inay dugsiyo ku yaalla magaalada iyo deegaamada hoos yimaada dhismeyaal ku kordhiyeen, kuwo kalena qorshaha sanadka ugu jira, sida dugsiga hoose dhexe ee Saylac oo loo samaynayo Ganjeel.

Geesta kale, xubno kamida dadweynihii ka qaybgalay kulanka ayaa su’aallo kala duwan oo ku qotoma waxyaabaha ay bulshadu tebayso waydiiyey, waxaana kamida meelaha wax laga waydiiyey waxa uga qorsheysan wax ka qabashada biyaha Badda ee Magaalada ku fataha xilli roobaadka, meelaha qashin qubka loogu talo-galay, dayac ku gedaaman Kaydka Biyaha magaaladu cabto iyo in ay wax dhul ah u qorsheeyeen Xaabalaha dadka lagu aaso oo dhulkii hore ka buuxsamayo.

Masuuliyiinta, ayaa waydiimaha kaddib, sheegay in ay arrimaha wax laga waydiiyey wax ka qabashadoodu qorshaha ugu jirto, kuwa aanay awood ahaan fulin karinna ay la kaashanayaan Xukuumadda iyo Hay’addaha samofalka. Sidoo kale Maayirka iyo masuuliyiinta kale waxa wax laga waydiiyey sababta uu inta badan u bakhtiyey Laydh lagu xidhay waddooyinka magaalada oo Solar ah, waxaanu Maayirku isagoo ka jawaabaya arrintaasi uu tilmaamay in qalab aanay tayadiisu wanaagsanayn markii hore lagu shiday, balse ay iminka dalbadeen nal-bixiyeyaal tayo leh, isagoo ka garaabay dhaliilsha arrintaasi loogu jeediyey.

Ugu dambeyn kulankan oo ah kii shanaad ee lagu qabto siddeeda magaalo ee uu ka socdo mashruuca JPLG-gu, ayaa ku dhamaaday isfaham iyo nabad-gelyo, waxaana ilaa 3 Bisha Janaury lagu qabanayaa magaalooyinka Boorama, Gabiley iyo Hargeysa oo iyaga lagu qaban doono kulamo shirarka dadweynaha iyo Maamulka Dawladdaha hoose iyo tababar ku saabsan waddaniyada iyo dawladdaha hoose oo la siin doono Ardayda Dugsiyada.

Leave a Reply