Komishanka Maamul Wanaaga iyo Dagaalanka Musuqmaasuqa oo Tababar usoo xidhay Hay,adaha Dawlada.

0
512

Khadar.M.Dhako.

Hargaysa(Dawan):-Komishanka  Maamul  Wanaagga  iyo  la Dagaalanka  Musuqmaasuqa  Somaliland  ayaa  Tababar  lagaga  hadlayay    Musuqmaasuqa   usoo xidhay qaar ka mid ah  Shaqaalaha  Hay,adaha  dawlada.

Liibaan  Ismaciil  Cabdilaahi  oo xidhitaankii  kulankaasi hadal ka jeediyay  ayaa  sheegay in  Tababarkan  lagaga hadlayay   sidii  hay,aduhu  u  noqon lahaayeen kuwo ku   dhisan  Mabaadii’da  Komishanka  Maamul  wanaagga  iyo  la Dagaalanka   Musuqmaasuqa,

Liibaan  Ismaaciil  Cabdilaahi  oo  Arimahaasi ka hadlayayna  waxa  uu yidhi“Sidii  hay,adaha  Dawladdu u noqon lahaayeen kuwo ku dhisan  Maamul  Wanaagga  annaga  oo ka duulayna  Qorshaha   labaad  ee  Qaranka oo ka  duulayna   Waajibaadka uu u xil saaranyahay Komishanka  Maamul  Wanaaga iyo  Dagaalanka  Musuqmaasuqa,annaga  oo ka duulayna ballan qaadyadii ku  qornaa  buugii    olalaha   Xisbiga  KULMIYE   oo ka Duulayna  Himilada  Madaxweynaha  Somaliland  Muuse  Biixi  Cabdi.  waxa  aanu  doonaynaa in  Hay,adaha Dawladda  dhamaantood  noqdaan kuwo ku dhisma oo ku dhaqma oo fuliya Mabaadiida  Komishanka  Maamul  Wanaaga,waxaanan    doonaynaa  sidii    loo  sugi  lahaa  waxqabadka  laamaha  Dawladda  sida ay u wada Shaqaynayaan iyo  meelaha ay ka wada Shaqaynayaan  iyo  xogta sida  ay isku dhaafsanayaan,”.

Sidoo  kale  Guddoomiye ku xigeenka  Komishanka   maamul  wanaaga  iyo  la Dagaalanka  Musuqmaasuqa  Maxamed  Aadan Xirsi  oo isaguna halkaas  ka  hadlay  ayaa sheegay  in  Komishanka    Maamul  Wanaaga  iyo la   Dagaalanka  Musuqmaasuqu  u xil  Saaranyahay  in   Hay,adaha  Dawladda  ka Wacyigeliyaan    Maamul  xumada  iyo  waxa  keenaya  Musuqmaasuqa.

 

 

 

 

 

Leave a Reply