Ganacsatada Dan yarta ah ee Iibisa Dharka Huudheydhka ee Magaaladda Hargeysa oo ka Cabanaya Hoos u Dhac ku Yimid

0
515

Qore Khadar M. Xaashi

Hargeysa (Dawan):- Ganacsatada dan yarta h  ee iibisa dharka Huudheydhka ah ee magaaladda Hargeysa, oo ka cabanaaya hoos u dhac ku yimi Dhaq-dhaqaaqooda ganacsi.

Ganacsatadan ayaa wasaaradda ganacsiga iyo maalgashiga ugu baaqay inay gacan qabato, islamarkaana loo raadiyo dhul ay ku ganacsadaan oo ay wax ku iibiyaan.

Waxaanay ku sababeeyeen hoos u dhaca dhaqaale ee ku yimi hawshoodan ganacsi in ay sabab u tahay maceeshadii oo dadka qaali ku ahi.

Cabdiraxmaan Maxamed Ducaale kana mida inamadda dhalinyaradda ah ee jidka wadnaha ah ee suuqa Waaheen ku iibiya dharka hore loo soo isticmaalay ee loo yaqaano (Huudheydhka) ayaa sheegay in hoos u dhaca dhaqaale ee dalka ka jira uu keenay in aan waxba laga iibsan bishi ugu dambeysay waxaanu yidhi  “Dhaq-dhaqaaqa suuqa ee dhinaca dharku aad ayuu u wanaagsana laakiin bishan imika ugu danbeysay, bulshadda busaarad ayaa saameysay, funaanada shan dollar ayaanu siin jirnay  imikana toban kun oo shilin ayaanu siinaa sababtuna waa hoos u dhaca dhaqaale ee dalka ka jira, Bundadu waxaa ay naga dhammaan jirtay maalin ama maalin iyo gelin imikana bil ayay nagaga dhammaaneysa waayo? Bulshadii ayaan naga baayaceynba hadii, ay koodhadh tahay, haddii ay garamaan tahay, hadii ay surwaalo tahay, annugu waxaanu nahay   dadka Hudheydhka iibiya wana dharka ugu jaban cidiba na baayicimeyso, bal kuwa bacadlayaashana ka waran”

Axmed Muuse ayaa sheegay in hoos u dhac aad u weyni uu ku yimi maryaha ay iibiyaan labadii bilood ee ugu danbeeyey waxaanu yidhi  “Labadii bilood ee u danbeeyay suuqii waa uu yar adkaaday kii aanu 80-ka kun  siin jirnay shan iyo labaatan iyo sodon ayaanu siinaa, marka aanu Bundada furno ka ugu badan waxaa aanu siina shan dollar, taasina waxaa sabab u ah hoos u dhaca dhaqaale ee dalka ka jira, maceeshadii iyo sicirkii lacagta oo aan wada soconina qayb ayay ka tahay dadka maceeshadii ayaa ku qaaliya oo duruufihii ayaan is kafeyneyn oo qof bariiskiisi la daladhacaya koodhba xasuusanmaayo”

“Bayacmushtarkii noocan ahaa ee aanu ka faa’iidi jirnay hoos ayuuu sii socdaa oo wax faa’iido ah kama hello wakhtigiina waxaa uu noqday in masaariifta maalintii  lagu dagaalamo awal markaan Bundad ama laba furo laba cisho gudahood ayaan lacagta ka soo saari jirnay in aan imika mudo dhan laba todobaad aan Bundad badhkeed uun lacagteedi aan ka soo saaro”ayuu yidhi Cabdisalaan Axmed Maxamed kana mida dhalinyaradda badhtamaha suuqa weyn ku iibiya dharka suufka ah.

 

Leave a Reply