Taliska guud ee Ciidanka Qaranka,Madaxda Heer Gobol iyo degmo ee Sanaag iyo Madaxdhaqameedkii hawsha ku jiray oo ka hadlay jabhadda dawladda lagu wareejiyay

0
690

Qore Khadar M. Xaashi

Ceerigaabo (Dawan):- Guddidii dhex-dhexaadinta xukuumadda Somaliland iyo jabhadda Korneyl Caarre ayaa shalay si rasmiya jabhadaasi iyo gaadiidkoodi ugu wareejiyay xukuumadda Somaliland, oo uu wakiil ka yahay guddoomiyaha  gobolka Sanaag mudane Maxamed Axmed Caalin (Tiinbaro) oo ay weheliyaan abbaanduulaha labaad ee ciidanka qaranka Somaliland Sarreeye Guuto  Saleebaan Barre Xasan,madaxdhaqameed,xildhibaano iyo saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidamada kala duwan ee Somaliland.

Munaasibad  ciidankaaasi lagu Qarameynayay oo lagu qabtay deegaanka Karin ee afaafka Buurta Daallo ee waqooyiga degmadda Ceerigaabo.ayaa si wada jir ah dhammaan dadkii ka hadlay au u caddeeyeen in hawshaasi guul ku soo dhammaatay isla markaana cid kasta oo wanaagga Somliland jecelina ay ku farxayso soona dhawaynayso.

Waxana si rasmi ah shalay xukuumadda  Somaliland  loogu wareejiyay Guutadii ugu horreysay ee ciidamada Jabhada Caarre, oo tiradoodu dhan tahey 145 askari.

 

Badhasaabka gobolka Sanaag Maxamed Axmed Caalin Tiinbaro ayaa sheegay in ay tahay guul u soo hoyatay ka gobol ahaan waxaanu yidhi  “Maanta(shalay) dadku waa ay wada faraxsan yihiin, farxaddase aniga waxba ii dheer, waxaa la yidhi qofka Mu’minka ahi laba farxadood ayuu leeyahay bisha Ramaddaan farxad marka uu afurayo midna maalinta ciidda ah, anigu laba farxadood ayaan leeyahay aniga oo  ah Badhasaabkii gobolkii midi waa Jabhadda soo hoyatay, ta labaad ee aan leeyahay waxaa ay tahay  aniga oo maanta ragii ila kaftami jiray iska celinaya oo maanta abtiyadey intay na aqbaleen ay nabadgelyo qaateen.

Waxaa ka naxaya nacabka nin rag ihiina ku faanaya maanta waa aragtidiina iyo go’aanka aad qaadateen intii ka soo shaqeysayna miisaanka xasanaadka ALLE haw saaro, mahad oo dhan ILLAAHEY ayay u sugnaatay, mahadda labaadna waxaa iska leh ciidankiina nabadgelyadda aqbaley ee qaatay, waxaanan aad iyo aad u ammaanaya labadii xildhibaan ee idinla joogey ee nabadgelyadaasi xoogga saaray, waxaa ammaan iga mudan guddoomiyihii tuuladan yar ee aanan hadh iyo habeen talefoonka ku kala seexaan ee nabadgelyadda labada dhanba ka shaqeynayey, waxa aad ammaan u mudan odayaasha aan todoba bilood reerahoodi arag una xil saarnaa inay hawshaasi yar dhan innooga ridaan, waana lagu caayay wixii idinkuna aad u adkeysateen annaguna aanu u adkeysaney wanaagaasi ayay dhashay, waxaad ku ammaanan tihiin muddadii aad halkaasi ku jirteen waxba inamay kala gaadhin, maanan arag cid idinka soo ashkatootay oo tidhi ama waxaasi ayay naga dhaceen ama waxaasi ayay naga kufsadeen, aad ayaad ugu ammaanan tihiin dhaqan wanaaga aad sameyseen mudadii aad deegaanka ku jirteen.

Waxaad ka mid tihiin ciidanka Qaranka Somaliland, maaha ciidanka milateriga oo qudha bileyska ayaad ka mid noqon doontaan, asluubta ayaad ka mid noqon doontaan, ka bada ayaad ka mid noqon doontaan, wax allaale wixii kale ee xirfad iyo aqoon lehna qof waliba halkii uu u qalmo ilaa intay nala gaadheyso kaga hadhimeyne waanu la wadeyna, farxadaasina yeynaan kala dhimin ee aynu ku wadno”

Duqa degmadda Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur ayaa Korneyl Caarre iyo ciidamadiisa nabadgelyadda Qaatayba uga mahad celiyey sida ay u aqbaleen ergadda “Marka koowaad kornayl Caarre ayaan u mahad naqaya oo naga aqbalay hawsha aynu halkan isugu nimid, nabaddan aynu halkan ku fadhino waxaan leenahay ILLAAHEY ha barakeeyo miisaanka xasanaadkana hawgu daro.

Mar labaad waxaan u mahadnaqayaa ciidanka halkaas soo fadhiya oo Jabhad noqday guryahoodiina ka tegay, maantana aqbaley inay ka mid noqdaan ciidanka Qaranka, waxaan u mahad celinaya guddoomiyaha gobolka Sanaag, saraakiisha ciidamada ee halkaas fadhida ee kala  duwan, oo iyaguna innagala shaqeynayay nabadgelyadda intii hawshaasi wadney.”

Abaanduulaha labaad ee ciidanka Qaranka Sarreeye guuto Saleebaan Barre Xasan ayaa caddeeyay in ay yeelan doonaan xuquuqda ciidamada Qaranka Somaliland ay leeyihiin  “Sidaasi daraadeed anigo wakiil ka ah taliska ciidanka Qaranka iyo dhammaan ciidamada kale, waxaan maanta ka gudoomay gudiddii nabadeynta iyo maamulkii gobolka oo hawshani gacanta ku soo hayay, ciidanka horteena fadhiya ee Afantariga iyo Tiknikadda oo aanu hada kadib ku dhaqi doono shuruucdda ciidamada iyada oo ay heli doonaan xuquuqdii ay ciidamadu lahaan jireen oo aanaan waxba ka nusqaamin doonin lana mid noqon doona ciidan weynaha Jamhuuriyadda Somaliland”

Gudoomiyaha guddida dhex-dhexaadinta Jabhada Caarre iyo xukuumadda Somaliland suldaan Cabdiraxmaan Aw Good Nuur ayaa kula dardaarmay Jabhadii nabada qaadatay inay u diyaargaroobaan difaaca Qarankooda waxaanu yidhi  “Maanta waa maalin taariikhiya, khilaafkii yaraa ee jirayna wuu soo afmeermay waxaa aynu rejaynaynaa in midnimo iyo horumar iyo walaaltinimo waartaa ay dhacdo oo dalkeenu horumaro.

Ciidaanka ciidanka Qaranka ku soo biiray midbaan leeyahay waxaan leeyahay dalkiina iyo dadkiina u samra, ILLAAHEY-ba idinku cisayn doona Qarannimaddana ka qayb qaata, difaaca dalkiinana u diyaar-garoob”

Muuse Axmed Cige kuna hadlayay afka Jabhadda ciidamada Qaranka lagu daray ayaa sheegay in dalkooda iyo dadkoodaba ay diyaar u yihiin inay nabadgelyo iyo horumar waara ay kula noolaan doonaan waxaanu yidhi  “Waxaa aanu nahay ciidankii Jabhadii Dulmidiid, ee Janaraal Caarre maanta waa maalin weyn waxaanu si rasmiya ugu biirnay ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland waxaanu diyaar u nahay in ciidankayaga iyo dawladayadaba aanu is garabtaagno, waxaanu diyaar u nahay in aanu dalkayaga iyo dadkayagaba aanu kula noolaano nabadgelyo iyo waxqabad”

Leave a Reply