Somaliland: Sirta Khilaaf Suullinta

0
647

Khilaafku nolosha ayuu ka mid yahay, mana ay dhici karto in gabi ahaanba la waayo Khilaaf iyo is qabad nooca uu doonnaba ha ahaadee. Balse, Maareynta Khilaafka iyo sida loo maamulo ayaa lagu kala duwan-yahay, natiijadiisa guullleed ama guul-darrana ku xidhan tahay.

Somaliland sirta ay ku liibaantay na wax kale maaha, waa inay khilaafkii la saaxiibtay. Sidee ula saaxiibtay? Shacab iyo dawladba waxaa la fahmay in wixii yimaad laga wada hadlo Ugub iyo Curad mid uu doonaba ha noqdo’e.

Dadka Siyaasada fallanqeeyaa waxaa ay tilmaamaan in aan Dawladnimo iyo is muquunintu kala maarmin oo aan Is maamul baryo waxba ku lahayn. Tusaale ahaan, Qoraa baa ku dooday, “Maxaa Soomaalidu dawlad u yeellan wayday? Jawaabtu waa iska caddahay oo khasab baan meesha oollin.”

Waxaana uu raaciyay oo arragtidiisa gogol dhig uga dhigay, “Maaddada dhaqaalaha marka la baranayo waxaa asaas u ah waxa loo yaqaanno “wax soo saarka”. Haddii aan wax soosaar jirin waxa ay la mid tahay dhaqaale na ma jiro, maxaa yeelay dhaqaaluhu waa barashada waxa la soo saarayo, qaabka waxa la soo saarayo loo soo saarayo iyo cidda waxa la soo saarayo loo soo saarayo. Haddii aad rabto in aad dhaqaale ka hadasho waa in aad wax soo saar ka hadashaa. Si taas la mid ah, marka siyaasadda iyo dawladnimada laga hadlayo waxaa laga ma maarmaan ah in maanka lagu hayo waxa loo yaqaan “awoodda”.

Siyaasaddii waxaa uu ku sheegay Isu awood sheegasho iyo barashada sidii xoog loo heli lahaa iyo qaabkii loo hawlgelin lahaa awooddaas. Waxaana uu ku dhaabadeeyay isaga oo Quus joogga. “Dadkii aan is khasbi karin ee is wada awood le’eg ma aha in ay dawlad ka fekeraan ee waa in ay sida xoolaha is barbar daaqaan, inta dad iyagu isa soo khasbay ay u imanayaan ee qabsanayaan,” ayuu yidhi.

Somaliland sidaas loogama dhaqmo Xoog iyo Jujuubna kuma ay dhaqna, balse waxaa ay ku shaqeysaa is muquuninta cakiskeedda, waa wadda tashi iyo isu tanaasul. Waxaana tusaalle u ah Tan ugu danbeysay ee Jabhaddii Korneyl Caare oo guul iyo gobannimo lagu soo af-meeray iyadda oo aan la adeegsan xoog, islamarkaana la xaqdhowrayo nidaamkii Qaranka iyo hanaankii dawladeed. Taas oo aan macnaheeddu ahayn in laga tagay kala danbeyntii iyo xeerarkii lagu ahaa Jamhuuriyadda.

Haa durba beesha caalamka ayaa arrintan sida Somaliland u maaraysay ku boggaadisay, waxaana ugu soo horeeyay oo hanbalyo ku badhi taaray Wakiillka dawladda Ingiriiska u joogga Hargeysa. Kaas oo tilmaamay in Jammuuriyadda Somaliland sannadka cusub ee 2020 ugu curtay bishaaro Wanaagsan iyo in laga wadda tashaqeeyo wadda jirka iyo nabad-gelyadda, taas oo rejo badan laga qabo inay ka qayb-qaadato horumarka dalka guud ahaan iyo gaar ahaan Gobolka Sanaag.

Ugu danbeyn waxaa uu qallinku hanbalyo u dirayaa cid kasta oo hawshan soo afjarideeda qayb ka qaadatay, madax dhaqan, Xukuumad, Jabhad iyo gaar ahaan guddigii loo saaray oo mudaba u dib jirtay ka midho dhallinta arrintaas. Waxaana mudan mahad oo dhan Eebbaha Sarreeya ee hufan ee ina garan siiyay inaguna galadday.

Leave a Reply