Wasiirka Warfaafinta oo ka Hadlay Heshiiskii Xukuumaddii hore la Gashay Khaatumo iyo Wadahadaladii Xisbiyada ee Doorashada

0
404

“Ninka yidhaahda xukuumadihii hore may xidhi jirin mucaaridka gu’ na muu jirin oo raggii xidh-xidhi jiray waa ragga iminka mucaaridka ah…”Wasiir koore

Qore: Saleeban Cabdi Cali Kalshaale

 

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo wacyi-gelinta, ahna afhayeenka Xukuumadda Somaliland Saleeban Yuusuf Cali Koore, ayaa sheegay in aanay xukuumaddu xad-gudubyo ugub ah ku haynin Siyaasiyiinta mucaaridka, balse ay arrin soo jireena ahayd kala cabashooyinka dhinacyada siyaasadda iyo dacwadaha mucaaridka looga gudbiyo Hay’addaha garsoorka.

Wasiir Koore oo maalintii shalay Waraysi siiyey Telefishanka Bulsho, ayaa gef iyo hadal aan loo meel dayin ku tilmaamay in Xukuumadda uu ka tirsan yahay loo gaar yeello xadhiga siyaasiyiinta, waxaanu tilmaamay in ragga maanta mucaaridka hogaaminayaa ay ahaayeen siyaasiyiintii shalay dawladda hogaaminayey ee xadhiga kula kacayey mucaaridka.

Waxaanu yidhi “Siyaasiyiinta mucaaridka ah markii horena waa la xidhi jiray oo ninka kugu yidhi lama xidhi jirin gu’ muu jirin, raggii xidh-xidhi jirayna waa ragga iminka mucaaridka ah”

Wasiir Saleeban Yuusuf Cali Koore, waxa kale oo uu waraysigan kaga hadlay halka uu marayaan wadahadalladii Xisbiyada Qaranka ee ku saabsanaa arrimaha Doorashooyinka iyo waliba heshiiskii sanadihii la soo dhaafay dhex maray Xukuumaddii hore iyo Khaatumo, waxaanu tilmaamay in heshiiskaasi badankiisa la fuliyey.

Wadahadalladii Xisbiyada Qaranka, howshiisu waa socotaa, meel fiicanbaanay maraysaa ilaa saddex jeerbaan ogahay in la kulmay waa la lafo-gurayaa, dhawaana waa soo bixi doontaa natiijaddu, waxaynu u soconaanna waa doorasho. doorashona saddexda xisbi-ba waa u diyaar”ayuu yidhi.

Isagoo ka hadlaya waxyaabaha ka fulay heshiiskii Somaliland iyo Khaatumo, waxa uu yidhi “Heshiiskii Khaatumo, waxaan u malaynayaa heshiiskaasi in uu dhamaaday oo la wada fuliyey marka laga reebbo furista Dastuurka. furista dastuurkana sida lagu furo dastuurka waa la yaqaanaa waa sharci, goleyaal iyo soo jeedimo, taasina wakhtiga ugu haboon iyo waayihiisa ayey u baahan tahay.

markaa qodobada dastuurka qayb in la furo anagaaba qabna, laakiinse sidee loo furi karaa?qodobo dastuurka ah oo in wax ka bedel lagu sameeyo u baahan waa jiraan, laakiinse waa qodobo guud oo umadda Somaliland oo dhan ka dhexeeya, qodobo shakhsi ah, ama gobol ah ama degmo ah meesha ma yaallaan.”ayuu yidhi.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Somaliland, waxa kale oo uu waraysigan ku sheegay in ay Xukuumaddu isu diyaarinayso qorshe lagu soo dhaweynayo Jabhada Sarkaalka cadhadda ka soo noqday ee Col. Caarre, sidoo kalena waxa uu tilmaamay in ay tudhaale iyo ka hortegid xasarad ka aloosanta bariga Sanaag ugu seeto-dheeraysay Siyaasiyiinta Puntland ee ku soo noqnoqda Deegaamada Gobolka Badhan.

Leave a Reply