Agasimaha Madaxtooyada Somaliland oo Dhagax Dhigay Xarunta Madaxtooyada Gobolka Sanaag

0
563

Khadar.M.Dhako.

Hargaysa(Dawan):-Agaasimaha  Madaxtooyadda  Somaliland  Maxamed  Cali  Bile iyo  Guddoomiyaha Gobolka  Sanaag  Maxamed  Axmed  Caalin  Tiimbaro     ayaa   shalay    dhagax dhigay xarunta  Madaxtooyadda  Gobolka Sanaag.

Munaasibad ballaadhan oo lagu dhagax dhigayay aqalka Madaxtooyada gobolka Sanaag oo laga binaynayo xarunta gobolka Sanaag ee Ceerigaabo,ayay ka qayb galeen masuuliyiin heer qaran,gobol iyo degmo ah,madaxdhaqameed iyo shirkadda dhismahaa fulinaysa.

Agaasimaha Madaxtooyada Somaliland Maxamed Cali Bile,Guddoomiyaha gobolka Sanaag Maxamed Axmed Caalin Tiimbaro iyo Maayerka degmada Ceerigaabo,ayaa si isku mid ah u sheegay in gobolka Sanaag uu ka bilaabmay horumarkii ay xukuumaddu ka fulinaysay isla markaana aqalka Madaxtooyada ee laga dhagax dhigayna uu yahay mid wax wayn u soo kordhin doona gobolka Sanaag.

Ugu horrayn Agaasimaha Madaxtooyada Somaliland Maxamed Cali Bile oo ka hadlayay muhiimadda uu aqalka Madaxtooyada Somaliland ee gobolka Sanaag ee laga dhagax dhigay Ceerigaabo in uu ka mid yahay horumarka xukuumaddu ka hirgalinayso gobolka oo bilaabmay,waxaanu yidhi.  “Waxaan rejaynayaa  in  dhagaxaa ugu  horreeyay  ee  Maanta (Shalay)   aynu dhagax dhignay  xarunta  Madaxtooyadda  Gobolka  Sanaag inuu  noqdo     Horumarkii  Gobolka  Sanaag,waxaanan rejaynayaa in  Horumar  badani uu   halkaa  ka yimaado   waxaana  rejaynayaa  in   gurigaasi noqdo  guri  muunad  u noqda  Magaalada  Ceerigaabo.”.

 

 

 

Guddoomiyaha  Gobolka  Sanaag  Maxamed Axmed Caalin Tiimbaro,ayaa u mahad naqay muwaadin dawldda ugu deeqay dhulka laga dhisayo aqalka Madaxtooyada gobolka Sanaag,waxaanu intaa raaciyay in sidaa loo dhagax dhigay guriga madaxtooyada uu ku bilaabmay horumarka xukuumddu ka hirgelinyso gobolka Sanaag.

 

Guddoomiye Tiimbaro oo arrintaa ka hadlayaana waxaa uu yidhi “Maanta  (shalay)  waxa inoo bilaabmay  Horumarkii  oo is daba  joog ah waana la helaa qof muwaadin ah oo isagu  hantidiisa hura waana   faro ku tiris waanan u mahadnaqayaa,waxaanan   kula dardaarmaynaa guri tayo leh in ay dhisaan shirkada dhisaysa  guriga Madaxtooyadda  Gobolka  Sanaag,”.

Maayarka  Magaalada Ceerigaabo  Ismaaciil  Xaaji Nuur  ayaa sheegay in uu noqon doono guri qiimo leh dhismaha  cusub ee   guriga  Madaxtooyada ee gobolka  Sanaag.waxaanu yidhi“Waxa  aanu u mahadnaqaynaa Ibraahim  Axmed  Kuutiye  oo dhulkan bixiyay  dhulkan waa guri inoo magaca oo noqon doona gurigii  Madaxyooyadda Gobolka  Sanaag waxa  aanu  doonaynaa guri  qiimo  leh.”.

 

 

 

Leave a Reply