Haka Werwerin Deeqda Aad Bixisay!

0
436

Ciyaar yahan caan ah ayaa markii uu ku guulaystay kubbada Golfka  waxa loo dhiibay jeeg abaal marin ah oo lacagtii ku qoran tahay. Markii uu baxay si uu xaruntii naadigiisa u tago,  markii uu gaadhigiisa koray gabadh dhalinyaro ah ayaa ku hamblayaysay guushiisa,  waxaana ay ka codsatay inuu caawiyo, madaama ay haysato wiil yar oo buka oo aanay u hayn xataa lacagtii tigidhka dhakhatarka.

Ciyaartowga aad ayay u raadaysay baryada gabadhu, waxa uu soo saaray jeegii la siiyay gebi ahaantiisa, waxaana uu gacanta ka geliyay gabadhii dhibaatada sheegatay.

Waxaana uu ku yidhi “ waxaan rajaynaya in adiga iyo wiilkaaga yar si fiican idiinku filaato”.  Maalmo ka dib ayuu ciyaar yahanku ku noqday xaruntii naadiga isagoo ka qaydanaya huteelka naadiga ayuu nin shaqaalaha huteelka Golafka ka mid ahi oo ay saaxib yihiin ku yidhi :”Markii aad jeega qaadatay todobaadkii hore soo gabadh gaashaanti ahi kumay baryin?. Ciyaartowga ayaa yidhi Haa.  Waxaan ku sheegaya gabadhani ilma yari kama buko , caruurna malaha, weligeedba lama guursan,  Arrimahaasi ayay dadka ku dhacdaa, ee ka raadsado lacagta!.

Ciyaartowgii ayaa ku yidhi :” Miyaanu jirin wiil ka xanuunsanaya? Shaqaalaha ayaa yidhi ma jiro.  Ciyaartowg aya ku jawaabay : “Hadalkii iigu wanaagsana ee aan maqlaa todobaadkan waa kaasi!. Anigu waxaan ku bixiyay wiil buka, sidii ayay ii tahay , maaha inaan ka daba tago. Xikmaduna waa “ Wixii aad bixisay ee niyad wanagsan ku bixisay weligaa haka werwerin”

Leave a Reply