Xukuumadda Somaliland oo ka Hadashay Xakamaynta Xannuuno Lagu Arkay Gobolada Sool iyo Buuhoodle

0
505

“Wasaaradda horumarinta caafimaadku way ka hawl gashay waanay ku sugan tahay deegaanadaas xaaladdana gacantaan ku haynaa.”

“Way  jirtaa dhimasho laakiin hadda shan kooxood oo caafimaad iyo dhakhaatiir wasaaradda ah ayaa gacanta ku haya.” Agaasime  Dr Xergeeye Waraysi gaar ah.

Qore: Faysal Xiis Afgaab

Hargeysa(Dawan):- Xukuumadda Somaliland,ayaa sheegtay in ay xakamaysay isla markaana ay si deg deg ah uga hawl gashay xannuuno ka dilaacay gobolada Sool iyo Buuhoodle.

Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr Maxamed Cabdi Xergeeye oo faah faahin  ka bixiyay xannuunad labadaa gobol lagu arkay qasaaraha nafeed ee ka dhashay iyo tallaabooyinka ay qaadeen,ayaa caddeeyay in wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland labadii todobaad ee ugu dambeeyayba ay deegaanda xannuunada lagu arkay si toos ah uga hawl gelaysay isla markaana ay u direen shan kooxood oo caafimaad oo ay ka kala direen xarunta guud ee wasaaradda ee Hargeysa,xarunta gobolka Sool ee Laascaanood,Buuhoodle iyo Burco.

Xannuunada ayuu sheegay in ay u dhinteen toban carruur ah oo meelo kala duwan ugu dhintay xannuunkaas.

 

Waxaanu sidaa ku sheegay Agasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland waraysi gaar ah oo uu xalay siiyay wargeyska Dawan.

 

Agaasimaha guud oo ka hadlayay noocyada xannuunada deegaanadaas lagu arkay iyo dadka ay saameeyeen,ayaa yidhi. “xaaladda deegaanada xannuunadu ka jiraan waan ognahay waanan ka hawl galnay waxaana xannuunada lagu arkay deegaanno ka tirsan gobolada Sool iyo Buuhoodle halka ugu daran ee lagu arkayna waxay ahayd degmada Widh-widh,isla markii xaaladda aanu ka war helnayb waxaanu hawl galinay kooxo caafimaad oo deg deg u gaadhay  oo ka kala tegay Buuhoodle,Laascaanood iyo Burco,xarunta dhexe ee wasaaraddana waxaa k tegay dhakhaatiir iyo agaasimaha waaxda cudurada faafa waxaana lagu arkay deegaanadaas dhawr xannuun oo is barkan oo isugu jira oogwareen,shuban aan badnayn iyo xummad,markaa dhiigag ayaan ka soo qaadnay kiiska Xummada ayaan hadda baadhitaan ku wadnaa labada kalena dawayntoodii deegaanada oo dhan way ka socotaa, xaaladda degmada Widh-widhna gacantaan ku haynaa oo waanu xakamaynay waxaana ku sugan deegaanada miyiga ah oo dadka deegaanka dhex wareegaya kooxo caafimaad oo socda halka kale ee xaalad laga soo sheegayaa waa Saaxdheer oo ka tirsan gobolka Sool halkaana waan u dirnay,laakiin deegaanku wuu kala fogyahay balse imika xaalad laga dayriyaa ma jirto wasaradda horumarinta caafimaadkuna ddka miyiga ayay la joogtaa oo tuulooyinka ayay maraysaa oo degmooyinka ayay tegaysaa markaa xaaladda hadda gacantaan ku haynaa waxaa keliya ee aan hadda baadhaynaa dhiigag laga soo qaaday dadka oo aanu doonayno in aanu ku ogaano xumadda waxa sababay.”

Agaasimaha guud oo la waydiiyay illaa hadda tirade dhimasho ee ay diiwaan galiyeen ka wasaarad ahaan,ayaa yidhi. “Tirada rasmiga ah ee dhimasho ee nasoo gaadhay waa toban qof oo meelo kala duwan ka dhacday dadka ugu badan ee xannuunadani ay soo riteenna waa carruunta oo u nugul OOFTA iyo kiisas aan badnayn oo shuban ah xummadduna fayrasna way noqon kartaa bakteerinaya way noqon kartaa markaa taana baadhitaanadii dhiigagga ayaa noo socda.”

Agaasime Dr Xergeeye oo jawaab ka bixinayay hadal ka soo yeedhay nin sheegtay in  ay deegaanadas ka hawl galeen gurmad caafimaadna ka fuliyeen isagoo ka socda  wasaaradda caafimaadka ee maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland,ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay hadalka ninkaa ka soo yeedhay,waxaanu yidhi. “horta wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland ayaa xaaladda caafimaad ee deegaanadaas gcanta ku haysa isla markaana gurmadyo caafimaad oo deg deg ah kaga hawl gashay iyadoo ay la socdaan hay’addaha ay wada shaqaynta leeyihiin Sool iyo Buuhoodlena waa Somaliland laakiin hadal idaacad laga yidhi dal laguma helo annaguna(wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland) markaanau dadkayaga u shaqaynayno halkaanu ka shaqaynayno iyo sidaanu dadkagaya ugu adeegayno ma sheeg sheegno ee adeeg fuliyeyaal qaran ayaanu nahay cid aan Somaliland ahayn  iyo hay’addaha aany wada shaqaynta leenahay aan ahayn oo ka hawl gashaana ma jirto,Buuhoodle ayay wsaaradda caafimaadku ka shaqaysaa Saaxdheer ayay ku sugan tahay sidaan kuu sheegay xaaladda Widh-widhna gacantaan ku haynaa.”ugu dambayn waxaa uu bulshada ku waaniyay agaasime Dr Xergeeye marka ay xaalad caafimaad darro ku arkaan qofka in ay markiiba soo gaadhsiiyaan goobta caafimaad ee ugu dhaw si markiiba wax looga qabto. “dadka waxaan u soo jeedinayaa marka ay qof ku arkaan xaalad caafimaad darro in ay deg deg usoo gadhsiiyaan xarunta caafimaad ee ugu dhaw ama ay deg deg u war geliyaan kooxaha caafimaad ee wareegaya deegaanadaas,inta badan waxaa dhacda  oo dhimashada sabab u noqda qofkii o aan la keenayn goobaha caafimaadka xilliga ugu habboon ee wax laga qaban karayo  iyadoo ay carruurtu u nugushay xanuunkan OOFTA iyo shubankaba.”ayuu yidhi Agaasimaha guud ee wasaaradda horarinta caafimaadka Somaliland Dr Maxamed Cabdi Xergeeye oo  waraysi gaar ah siiyay wargeyska Dawan.

Leave a Reply