Somaliland oo Mar Kale Ku Gacan Saydhay Xulafada Wadamada Badacas Ku-yaala

0
533

“Somaliland waa dal madax bannaan mana ogolaanayso in waddan kale wakiil uga noqodo ilaalinta Baddeeda”..

 

 

Hargaysa (Dawan): Jamhuuriyadda Somaliland ayaa mawqif cad iska taagtay ururka iskaashi ee ay yeesheen dawladaha Carabta iyo kuwa Afrika ee Kulaala xeebta Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed. Kaas oo ay ku tilmaantay mid lagu xaqiray xuquuqdeedda dalnimo.

Hadalka Somaliland ayaa imanaya kadib urur iskaashi oo ay wada samaysteen waddamadda Sucuudiga, Jordan, Jabuuti, Suudaan, Soomaaliya iyo Masar. Kadib kulan ay todobaadkan ku yeesheen magaaladda Riyad ee dalka boqortooyadda Sucuudiga. Kaasoo aanay Somaliland ka qayb gelin.

Waxaanay Somaliland sheegtay in aanay qayb ka ahayn, isla markaana u hoggaansanayn iskaashiga ay wadamadaasi yeelanayaan.

Sidaasina waxaa lagu sheegay war saxaafadeed shalay ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland. Warkaasi oo ku qornaa luuqada Ingiriisiga oo aanu soo turjunay waxa uu u dhignaa sidan “Jamhuuriyadda Somaliland waxay mar kale ku celinaysaa mawqifkeedii hore ee ahaa in aanay marnaba tixgelinaynin siyaasadaha, iskaashiyadda iyo dhaq-dhaqaaqyadda ay wadaan wadamadda Carabta iyo kuwa Afrika ee kulaala xuduudka Badda Cas, ee aan laga qayb gelinin, lagu na xaqiray xuquuqdeedda dalnimo iyo in ay qayb muhiima ka tahay daneeyeyaasha.

Somaliland waa dal madax banaan, mana ogolaanayso in wadan kale ama cid kale ay wakiil uga noqoto xuduudaheedda Baddeed” ayaa lagu yidhi warka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland.

Sidoo kale war murtiyeedkaasi ayaa lagu sheegay in Somaliland ay soo dhawaynayso tallaabo kasta oo lagu ilaalinayo amaanka xeebaha Badda Cas. Iyadoo xeebaheedda ka bad-baadisay Budh-cad baddeeda iyo argixisadu in ay ka hawl galaan.

“Somaliland waxay aqoonsan tahay istaraatijiyadda iyo muhiimadda Badda Cas, nabadda iyo amaanka gobolka, waxaanay mar kasta soo dhawaynaysaa kaalinteedda baahidda ah in la horumariyo guud ahaan iskaashi lagaga hor tegayo dhibaato ka dhacda biyahani.

Maxaa yeelay? aqoonsiga Somaliland wuxuu qayb ka qaadan lahaa ilaalinta iyo xaqiijinta xuduudkeedda Baddeed ama xeebteedda oo dhererkoodu dhan yahay 850 KM, waxaanay xaqiijisay in ay amaan ka dhigto oo aanay ka hawl gelin xeebaheedda Budh-cad baddeed iyo noocyadda kale ee argagixisadda”.

“Waxaanu aaminsan nahay in ilaalinta amaanka biyaha Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ay khuseeyaan dhamaanba wadamadda wadaaga xeebta biyahaasi. Waanu taageeraynaa iskaashiyo kasta oo xal loogu raadinayo caqabadaha jira.

Si kastaba ha ahaatee, Somaliland marnaba ma aqoonsanayso iskaashi aanay laga qayb gelinin”.

Waxa kaloo warkaasi lagu yidhi, “Jamhuuriyadda Somaliland waxay si dhaw ula soconaysaa iskaashi kasta oo lagu horumarinayo amaanka dhul Baddeedkaasi. Iyadoo aan wax gor-gortan ah la gelinaynin xoriyadeedda in ay tahay wadan madax banaan”.

“Aragtida Somaliland ee nabadda iyo deganaanshiyaha gobolka si dhaw ayay ugu xidhan tahay. Waanay sii wadi doontaa in ay la shaqayso daneeyehaasha iyo dedaaladda lagu doonayo ee qaybta ka ah, oo si siman loo wadaagayo tallaabooyinka faa’iidadda leh” ayaa lagu soo geba gabeeyay war murtiyeedka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland.

 

Leave a Reply