Baahida Ayaa Bartay Horumarka!

0
413

Waxay  dul fadhiday Dabka ay ka dhex shiday buulka gaboobay ee ay cuntada ku diyaariso, waxay dhabta ku haysay Ilamaha yar ee aan weli naaska jaqaya,  iyadoo kan labaad ee ay dhashayna uu ag fadhiyay. Badhtamaha buulka waxa dhex wareegaysa Digaagad iyadoo aan cabsi qabin.

Xaaska  buulkan ku jiraa suurtagal uma ah inay qashaan digaagada iyagoo haddan ay baahi u hayso maxaa yeelay beedka ay dhasho ayaaba ah meesha keliya ee ay wax ka soo galaan, biilkana ka dhigtaan marka ay dib uu iibiyaan.

Waa guducur cabsi badan oo cadowga laga baqanayo , Aabaheed ayaa albaabkii garaacay isagoo ka yimi beerta. Waxa uu siday waxooga bariis ah oo habeenkaasi ahaa rashinka keliya ee calooshooda galay.  Aabaheed wuxu ahaa oday gaboobay , caao ah , maryo hun ahna oo ku dul gaboobay , uskagana u dheer yahay xidhan.

Indhihiisu waxay ahaayeen kuwo casaaday iyagoo  u eekaaday laba midh oo Tamaandho ah sababtuna waa soo jeedka badan,

Timha madaxiisa iyo kuwa gadhkiisuna xabad madow ma leh waana cirro boos ah. Aabaheed Aabaheed waa ninka keliya ee u hadhay ka dib markii Odaygeeda ay dileen ciidnakii Gumaysanayay ee Japan oo xasuuqay shacabkood, mana ay helin wax u bedela.

Qoyskani waa qoys Shiine ah wakhtiguna horaantii qarnigii tegay, waagaas oo Japan xooga Aasiya ahayd isla markaana ay gumaysan jirtay dalal badan oo Shiinuhu ka mid yahay.

Qisadan oo dhab waa sida shacabka Shiinuhu u Nolaa 85 sano ka hor.   Maanta waa awoodaha dunida mid ka mid ah, waana dal dhaqaale ahaan iyo cudud ciidan ahaaba dhisan oo cabsi ay ka baqaan dalalka dunida ugu xoogga weyni.

Leave a Reply