Xubno Wasiiro ah oo Kulan la Qaatay Wefti ka Socday Dalka Jarmalka

0
532

Qore Khadar M. Xaashi

Hargeysa (Dawan) Xubno ka tirsan Golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu hoggaaminayo wasiirka wasaaradda Qorshaynta iyo horumarinta Qaranka mudane Xasan Maxamed Gaafaadhi ayaa kulan la qaatay wefti sare oo ka socday hay’addaha Waddanka Jarmaka u qaabilsan dhanka horumarka.

Waxaana weftigan hoggaamineyay madaxa iskaashiga horumarinta safaaradda dawladda Jarmalka ee dalka Kenya, iyo madaxda hay’adda GIZ iyo madaxda baanka horumarinta Jarmalka.

Waxaana intii kulankani socday laga wada hadlay mashaariicaha horumarineed ee dalka Jarmalku ka fuliyo gudaha Somaliland.Waxaana wasaaraddaha kulankaasi ka qayb ka mid ahaa wasaaraddaha mashaariicda ka hela hay’addaha horumarinta Jarmalka.

Wasiirka wasaarada Qorshaynta iyo horumarinta Qaranka mudane Xasan Maxamed Gaafaadhi ayaa markii kulankani soo dhammaaday la wadaagey warbaahinta waxyaabihii diiradda lagu saaray waxaanu yidhi “Waxaa xafiiska wasaaradda qorsheynta Qaranka ku kulmay xubno ka mida golaha wasiiradda Somaliland, iyo wefti ballaadhan oo ka socda hay’addaha deeqda bixiya ee Jarmalka, kuwaasi oo ay ka mid yihiin GIZ iyo KFW, waana shir lix biloodle ah, ahna kii ugu horreeyey sannadkan, waxaa wasaaraddaha ka soo qayb galey ka mid yihiin wasaaraddaha mashaariicda ka hela hay’addaha Jarmalka ah, waxaanu ka hadleynay wixii horumar ee la gaadhay iyo wixii tagay iyo wixii qorshe ah ee cusub iyo hawl qabadkii dhacay sidii leysaga wareysan lahaa iyo haddii ay dhibaatooyin jiraan sidii loo xallinlahaa.”

Wasiirka wasaarada Qorshaynta iyo horumarinta Qaranka Somaliland waxa uu intaasi raaciyay “Waxa kale oo aanu u sheegnay in mar walba aynu diyaar u nahey in aan wax madmadowa iyo wax khilaaf ahi aanu ina soo dhexgalin, aad iyo aad ayaanan ugu mahadnaqayaa weftiga ballaadhan ee maanta halkan inala jooga, hawlo badan iyo shaqooyin badana waddanka wey geliyaan, waxaananu u baanahay in aanu wakhti danbe soo bandhigno dhammaan mashaariicda ay geliyaan si ay ummadduna u ogaato, taageeradda ay dawladda Jarmalku geliso waddanka.”

 

Leave a Reply