Xukuumadda oo Barnaamujka JPLG-ga ku Fidisay Laascaanood, Ceerigaabo iyo Caynabo

0
442

Qore: Saleeban Cabdi Cali (Kalshaale)

Hargeysa (Dawan) -Dawladda Somaliland ayaa ku dhawaaqday bilowga Mashaariic cusub oo lagu daray Barmaamujka maamul-daadejinta Dawladdaha hoose ee ee JPLG-ga oo degmooyinkii hore uu uga socday lagu kordhiyey saddex degmo oo lagu fidinayo sanadkan, kuwaasoo kala ah Ceerigaabo, Laascaanood iyo Caynabo.

Xukuumadda ayaa sheegtay in kharashka ku baxaya mashaariicda laga fulinayo degmooyinka lagu daray bah-wadaagta JPLG-ga ay maal-gelinayso dawladda Somaliland, halka siddeeda degmo ee uu hore uga socday qaybta maamul-daadejinta lagu daray Degmada Saylac oo noqonaysa degmadii lixaad ee u gudubta marxalada maamul-daadejinta.

Sidaasina waxa sheegay Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed oo khudbad ka jeediyey munaasibad maalintii Isniinta lagu qabtay Magaalada Hargeysa, taasoo ay ka qaybgaleen xubno kamida Golaha Wasiirrada, Maayirrada degmooyinka ku jira derejada maamul-daadejinta iyo madaxda Hay’adda UNICEF, waxaana munaasibadaasi heshiisyo ku kala saxeexday Wasaaraddaha Waxbarashada iyo Caafimaadka oo dhinaca Xukuumadd ah iyo Maayirrada magaalooyinka maamul-daadejinta laga sameeyey.

Saraakiil ka socday Hay’adda UNICEF iyo masuuliyiinta dawladda ee kulanka ka hadlay ayaa dhamaantood isku-raacay in uu guulaystay wajigii koowaad ee barmaamujka wadaag maamul-daadejinta ee JPLG-ga, waxaanay sidoo kale guul iyo horumar wax ku ool ah ku tilmaameen in degmooyin cusub lagu fidiyo oo la gaadhsiiyo.

Wasiirka arrimaha gudaha oo ugu horayn arrintaasi sharaxay ayaa yidhi “Barmaamujkan cusub ee loo bixiyey hagida Dawladda Somaliland ee balaadhinta maamul-daadejinta JPLG-ga ee laga fulinayo degmooyinka Laascaanood, Ceerigaabo iyo Caynabo, guud ahaantii waxa fulinaya Dawladda Somaliland oo cid kale gacan kuma laha, ilaa iyo Sabtida soo socotana barmaamujkaasi wuu dhaqaaqayaa, dhamaan inkaaniyaadkiisii waa diyaar, dhaqaalihiisii waa la diyaariyey.”ayuu yidhi.

Madaxweyne ku-xigeenka Dalka Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), oo isna dhankiisa sharaxay fidintan lagu sameeyey barmaamujka maamul-daadejinta, ayaa ku dheeraaday faa’idooyinka uu dawladdaha hoose u yeeshay barmaamujkani iyo baahida keentay in dawladdu dusha u ridato qaybtan lagu kordhiyey ee laga fulinayo degmooyinka cusub, waxaanu tilmaamay in ay Hay’addaha mashruuca JPLG qaybta ugu badan maal-geliyaa ka cudur-daarteen in ay gaadhsiiyaan degmooyinkaasi.

Dhanka kale, Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu amaan u jeediyey degmooyinka ku guulaystay hir-gelinta maamul-daadejinta adeegyada aasaasiga ah ee Waxbarashada, Caafimaadka kulankaasi lagu kala saxeexday, kuwa mashruucan sidii loogu talogalay uga faa’idaystay ee isu diyaarinaya inay u soo gudbaan marxalada maamul-daadejinta.

Mashaariicda uu fuliyo barmaamujka wadaagga ah ee JPLG-gu, waxa si wadajir ah u maal-geliya Dawladda dhexe, Dawladdaha hoose iyo shan kamida hay’addaha Qaramada midoobay iyo qaar kamida wadamada taageera Somaliland, kuwaasoo mid waliba uu bixiyo saami dhaqaale, waxaana wajiyadii hore dawladdaha hoose iyo goleyaasha deegaanku ka faa’idaysteen tababaro dhanka maamulka ah oo lagu tababaray iyo sida ay degmooyinkooda ula wareegi lahaayeen fulinta adeegyada aasaasiga ah.

Leave a Reply