Qore Khadar Cabdi Muuse
Laascaanood (Dawan): Qaybtan oo ah qaybtii afraad, isla markaana noqonaysa qaybtii ugu danbaysay warbixino taxane ah oo aan kaga hadalnay mashaariicdii ugu waaweynaa ee dhinaca horumarka ee sannadkii tegay ka hirgalay gobolka Sool.
Waxaan maanta ku soo qaadan doonaa waxyaabaha horumarinta ee laga qabtay dhinacyadda Dayac-tirka iyo dhismeyaasha Waddooyinka.
Banaynta Waddooyinka magaaladda Laascaanood, mashruucii weynaa master plan-ka, horumarinta Waxbarashadda iyo tiradda dugsiyadda la dhisay, xoolo tiradoodu gaadhayso hal milyan iyo dheeraad neef oo la tallaalay iyo qodobo kale.
DHISMEYAASHA WADOOYINKA IYO MASHAARIICDA DANTA GUUD:
Waxaa dhismihii weli socdaa oo mashaariicda sanadkii tegay la bilaabay ka mid ah, Kawaanka gawraca xoolaha ee xaafadda Sayid Maxamed Cabdulle Xasan. Waxaa iyad-na heer gebo gebo ah maraysa Waddada garoonka diyaaradaha magaaladda Laascaanood, taasoo dhererkeedu gaadhayo 5 KM.
Waxa kaloo dayactir lagu sameeyay Waddada Laamiga ah ee xidhiidhisa Adhi Cadeeye iyo Yagoori. Waa kan badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, oo sharaxaya dhismeyaasha Sariibadaha iyo Waddooyinka laga hirgeliyay gobolkaasi.
“Kawaanka Gawraca Laascaanood oo hal-bawle ah, oo gobolku iska leeyahay, oo dadku ay leeyihiin, dumarka Hilibka iyo Khudaarta iibiyaa ay iska leeyihiin, ayaa la sameeyay, oo weli dhismihiisu socdaa. Xaafadda Sayidka ee magaaladda Laascaanood ayaana laga dhisay” ayuu yidhi C/qani Jiidhe.
Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi, “Waxaad og tihiin Dab-demiskii oo imika qandaraaskiisii la bixiyay, oo dhawaan bilaabmayo dhismihiisu.
Laamiga garoonka diyaaradaha Laascaanood oo 5 KM ah, ayaa isna imika geba gebo maraya. Mashruucii JPLG-ga ee dawladaha hoose, ayaa sanadkii dhamaaday Laascaanood lagu daray”.
BANAYNTA WADOOYINKA MAGAALADDA IYO MASHRUUCA MASTER PLAN-KA:
Mashaariicda ugu muhiimsan ee sanadkii tegay laga hirgeliyay gobolka Sool waxaa ka mida banaynta jidadka magaaladda dhex mara, iyadoo sanadkii 2019-ka markii u horaysay magaaladda Laascaanood laga hirgeliyay mashuuca master plan-ka.
C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaa faahfaahin ka bixiyay mashruuca master plan oo sanadkii tegay laga hirgeliyay magaaladda Laascaanood.
Waxaanu yidhi, “Mashruucii weynaa ee master plan-ka, wuxuu ka mid yahay mashaariicda ugu waaweyn ee sanadkii 2019-ka ka qabsoomay gobolka Sool, kaasoo wax badan lagaga qabtay wadooyinka magaaladda.
Waddada hawl-bawlaha ah ee badhtamaha magaaladda Laascaanood ayaa la baneeyay, guriga iyo Laamiga looma dhexeeyo. Booska uu qofku leeyahay iyo Waddada looma dhexeeyo.
Taasina waxay soo saartay, oo imika hay’adaha caalamiga ah iyo dawladda jamhuuriyadda Somaliland ka dalbanaynaa in jidka badhtamaha magaaladda marra oo qaybo ka mida ay bur-bursan yihiin in la sameeyo”.
HORUMINTA WAXBARASHADDA:
Marka aynu eegno dhinaca waxbarashadda mshaariic fara badan oo horumarineed ayaa laga sameeyay waxbarashadda gobolka Sool, iyadoo dib u dhis iyo dayactir lagu sameeyay dugsiyo waxbarasho.
Badhasaabka gobolka Sool waxa kaloo uu ka warbixiyay mashaariicda dhinaca waxbarashadda ah ee horumarka laga sameeyay.
Waxaanu yidhi, “Magaaladda Adhi-Cadeeye, dugsi boarding ah oo weyn ayaa ku yaalla Meello kaloo badan oo xarumaha waxbarashadda ah ayaa hore looga qabtay gobolka Sool”.
Sidoo kale isu-duwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Sool ayaa isna ka warbixiyay waxqabadka dhinaca waxbarashadda ee sanadkii 2019-ka laga hirgeliyay gobolka.
“Mashaariic fara badan oo waxbarashadda ah ayaa laga qabtay gobolka Sool. Mashaariicdaasi oo isugu jirta dhismaha dugsiyo cusub, kuwo la dayactiray, iyo kuwo la kordhinayay. Ilaa 18 dugsi dayactir ayaa lagu sameeyay. Waxaa la dhisay oo kale ilaa 5 dugsi oo cusub.
Dugsiyo cusub oo bulshadu dhistay, oo dawladda lagu wareejiyayna way jiraan. Dhamaantood dugsiyadasi way wada shaqeeyaan.
Waxa kaloo gobolka Sool laga dhisay dugsi, aad iyo aad u weyn, oo boarding ah, oo hadda shaqeeya, oo imika-na ardaydii ugu horaysay ee fasalka afraad ee dugsiga sare ka baxday, ardaydii dalkoo dhan ugu sareeyay ayay ka mid ahaayeen.
Waxa kaloo ay dawladu hirgelisay dugsiga Adhi-cadeeye, (Adhi-cadeeye Technical school), oo ah mid boarding ah, oo cunatadii ay ardaydu helayso, waxbarashadii, jiifkii iyo wixii kale ee ay u baahdaanba ay ka helayaan.
DAAWAYNTA IYO TALLAALKA XOOLAHA NOOL:
Gobolka Sool bulshadda ku nool waxaa dhaqaalahoodda laf-dhabar u ah xoolaha nool, si loo daryeelo caafimadka xoolaha waxaa sanadkii dhamaaday ee 2019-ka la daaweeyay xoolo fara badan, oo isugu jiray Geell iyo Adhi.
Xoolahaasi la daaweeyay waxay tiradoodu gaadhaysay hal milyan sideed boqol, lixdan iyo lix kun iyo laba boqol iyo labaatan neef, oo Adhi ah.
Waxa kaloo la daaweeyay Geel tiro ahaan gaadhaya sideed boqol, sideetan iyo lix kun, lix iyo labaatan neef.
Isku soo wadda duuboo, sanadkan dhamaaday ee 2019-ka ayaa gobolka Sool u ahaa mid horumar la taaban karro oo dhinacyo badan leh uu ka hirgalay.
DHAMAAD.