Dhakhtarka Da’da Maxaa Ku Saliday

0
647

Waxay u muuqatay inay tahay gabadh da’deedu 50 ku dhowdahay, waxaana la keenay Isbitaalka si loogu daweeyo. Dhakhtarka ayaa go’aamiyay inay  u baahan tahay qaliin fudud. Waxaana uu u sheegay in la suuxinayo inta aan qaliinka fudud gelin si aanay u dareemin xanuunka. Waxaana uu weydiiyay su’aalahan:

 

Dhakhtarka : Da’daada ii sheeg?  Gabadhii ayaa ku jawaabtay waa 25 sano.

Dhakhtarka ayaa ku celiyay quraaradan dawada suuxdinta ah ee aan kugu mudayo waxa mid kasta ku qoran cimriga qofka, markaa run inaad sheegto weeyi si aanay kugu mudo ta ku haboon da’daada.

Gabadha Bukaanka ah ayaa tidhi: Hadday sidaa tahay da’adaydu waa 30 sano. Dhakhtarka ayaa haddana weydiiyay: Haddii aanay da’daadu intaasi ahayn waxaa laga yabaa inaanad ka soo noqon suuxniinka.

Gabadha: Haddaba runtii 38 jir ayaan ahay.

Dhakhtarkii ayaa haddana ku yidhi : Haddii dawada u dhiganta da’daasi aad sheegatay aan kugu mudayo, laakiin aanad intaasi ahayn waxa kugu dhacay faalig laga yaabo inaad ku dhimato ama waax ku bakhtiiya sidaasi ogow.

Gabadhii Bugtay ayaa tidhi: Maya haddaba da’daydu run ahaantii waa 48 sano ,haddii aan dawada ku  dhiminayo iyo haddii kalena anigu mar danbe intaasi dhaafin maayo igu mud ta da’daasi ah, dhakhtarkana waxaan ku nacay da’daada weydiinteeda ayaa lagu saliday.

 

Leave a Reply