Addis Ababa: Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta Somaliland oo la Kulmay Madax Kala Duwan

0
509

Qore Khadar  M. Dhako

Addis-ababa (Dawan):- Agaasimaha  guud  ee  Wasaarada  Warfaafinta  Dhaqanka  iyo  Wacyigalinta  Somaliland  Mukhtaar Maxamed  Cali oo  socdaal  shaqo ku jooga  dalka  Itoobiya   ayaa la  kulmay  Maareeyaha   Wakaalada   Warbaahinta    Itoobiya  naguse  naguto.waxaana  kulankaas ku wehelinayay   Safiirku  Xigeenka   Somaliland  ee dalka  Itoobiya  Barkhad  Maxamuud  Kaariye  iyo  Agaasimaha  waaxda  Qorshaynta  ee  Wasaarada  Warfaafinta  dhaqanka  iyo  Wacyigalinta   Cabdiqaadir  Dayib  Askar.

Kulanka Agaasimaha guud ee wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland iyo Madaxda Wakaaladda warbaahinta Itoobiya,ayaa lagaga wada hadlay heshiis is afgarad oo ay hore u wada gaadheen wasaaradda warfaafinta Somaliland iyo wakaaladda wararka ee Itoobiya.

Heshiiskaas oo ahaa hirgelinta xidhiidh warbaahineed oo labada dal wada yeeshaan iyo isdhaafsiga wararka labada dal iyo kor u qaadista xidhiidhka labada dhinac.

Agaasimaha guud ee  Wasaarada  Warfaafinta  Dhaqanka  iyo  Wacyigalinta   Mukhtaar  Maxamed   Cali  iyo  Agaasimaha  waaxda  Qorshaynta  ee  Wasaarada  Warfaafinta  Dhaqanka  iyo  Wacyigalinta   Cabdiqaadir  Dayib  Xasan     waxaa kae oo ay   kulan kula     yeesheen   Magaalada  Addis ababa    Madaxa  baahinta  iyo  farsamada  ee  dawlada  Maraykanka  u  qaabilsan  Warbaahinta  Caalamiga  ah    waxaanay  ka wada  hadleen  sidii  Dawladda    Maraykanku     gacan  taageero   uga  gaysan lahayd kor  u qaadista     Warbaahinta   Qaranka   Somaliland.

Kulamada Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland uu la yeeshay madaxd kala duwan ee uu kula kulmay caasimadda dalka Itoobiya ee Addis-ababa ayaa ku soo dhammaaday is afgarad la iskuna raacay in wada shaqaynta la joogteeyo.

 

 

Leave a Reply