Hargeysa (Dawan) Ciidanka Dab-damiska Somaliland ayaa maaraynta khatarta dabka ku tababaray saddex boqol oo qof oo laba boqol iyo toban kamid ah haween yihiin, dadka la tabaray oo ah barakacayaasha degan xeryaha Naasa-Hablood A iyo Naasa-Hablood B ee duleedka magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.
Labadan Kaam ee dadka loo tababaray ayaa ilaa shan goor dab ka kacay labadii sanno ee u danbeeyey.
Xeryaha barakacayaasha ayaa aad khatar ugu ah in dab kaco, guryaha la dego ee xeryaha ayaa ka sameysan Looxaan, caag iyo maro, dabka ayaa si dhakhso leh u faafa guryahaasi gaar ahaan xilliyada dabayshu socoto.
Sahro Xasan Guuleed ayaa ka mid ah dadka uu saameeyay, walaasheed oo 65 jir ah ayaa ku dhimatay dab xerada ka kacay bishii Abriil 2019, xili ay diyaarinaysey tolista Karbaashka aqalka la saarro sameyntiisa, oo ay doonaysey inay guriga dushiisa saarto kadibna dab ku qabsaday, Radio Ergo ayay u sheegtay in xili saqdhexe ah uu dabkaasi kacay khasaare badana u geystey waxaaney tidhi iyadda oo arrimahaasi ka hadlaysa ”Ilaa hadda waa dareemayaa saamyntii dabkaasi diiftiisii baa weli iga muuqta, wax nooga baxay muu jirin nafteena uun baan la yaacnay wixii carari karey, Saqdhexe ayay ahayd qof walba dabka ayuu ku toosay meel uu u baxana waa garan waayey qofba doc buu ka baxay, dadka qaar baa caruurihii ka tegey qaar baa caruurta uun la baxsaday.”Xaawo Ibraahim Siciid oo ah hooyada lix caruur ah, gurigeeda ayaa gebi ahaanba gubtey iyadoo aysan uga badbaadin wax agab ah sida, dhar,weelka cuntadaiyo waxkasta oo u dhexyaaley gurigeeda buush ah ee gubtey. Radio Ergo ayay u sheegtay in tababarkan maaraynta dabka ay si iskeed ah uga qayb qaadatay si ay mustaqbalka danbe uga diyaar garoowdo dhibaatooyinka dabka iyo xakamayntiisa.
“Waxba maanu aqoon ee dad jaahila ayaanu ahayn, dad aan waxba haysan waanu ahayn, dad aan aqoon hore haysan oo aan waxba garanayn oon far iyo qalin iyo b na aqoonbaanu nahay. Waxay iga bedeshay farsamadii la i baray ilaahay naguma keenee haddii uu na qabsado waan diyaarsanahay uun,”Ayay tidhi Hooyo Sahra Xasan Guuleed.
Ciidamada Dab-damiska Somaliland ayaa barakacayaasha baray farsamo fudud oo jawaano ama maryo la qooyay loogu bakhtiin karo dabka.
Sidoo kale waxaa la baray isticmaalka haamo yaryar oo loo isticmaalo dabdamiska, tababarka kadib waxay dab-damisku labada xero midiiba siiyeen 50 haamood oo ah kuwa yar yar ee looguna tala-galay xakamaynta khatarta dabka, oo ay dhigeen guryo ku yaal meelo kala duwan iyo kaydka raashinka gargaarka ah ee xeryaha si dadka masuulka ka ahi ay ula soo ordaan hadiiba dab koco.
Madaxa warbaahinta ee dab-damisku wuxuu u sheegay Radio Ergo in dadkaas lagu xushay aqoonta ay leeyihiin iyo qaarkood oo ka mid ah horjoogayasha xeryaha, Haan walba waxaa ku jira budo dambas u eg waxaana ay wadataa tuumbo marka biinyar oo haya laga furo uu naqas ka imanayo.
Ururka maxaliga ah ee SOS oo ka hawlagala Somaliland ayaa ciidanka dab damiska ka caawiyey tababarka bixintiisa iyo qalabka xeryahala dhigayay.
Xeryahan oo ay deganyihiin kun iyo lix boqol oo qoys ayaa jira muddo toban sano ah waxaana degay dad xoolo dhaqato ah oo kasoo barakacay bariga iyo waqooyiga magaalada Hargeysa iyo danyartii iska bixin kari waayay lacagaha lagu kireeyo guryaha magaalada Hargeysa.
Cabdiwajaab Cismaan Jaamac oo ah madaxa xiriirka dadweynaha ee Hay’ada tuulooyinka caruurta ee SOS isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Waxaan rabnay inay fahmaan sida dabku u billowdo, waxaa sababa dabka, sida looga hortago, iyo haddii ay dhacaan sida loo maareeyo xaaladda illaa ay dabdamisku yimaadaan goobta,”
Xeryaha Nasa-hablod A iyo B oo ku yaal dhinaca woqooyiga magaalada Hargeysa waxaa degan 1,600 oo qoys oo soo barakacay 10kii sano ee la soo dhaafay.
Qoysaska intooda badan waa xoolo dhaqato, laakiin qaar ka mid ah qoysaska danyarta ah ee magaalada Hargeysa ku noolaa oo iska bixin kari waayey kirada guryaha ayaa iyaguna ku soo biiray xeryaha si ay u helaan gargaar bini’aadannimo.