Wasiirka Beeraha Oo Dalka Holland Kaga Qayb Galay Shir Caalamiya

0
481

Utrecht (Dawan): Wasiirka beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed, oo safar shaqo ku maraya wadamo ka tirsan qaaradda Yurub ayaa dalka Holland kaga qayb galay shirk u saabsan arrimaha beeraha.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu kulamo la yeeshay xubno ka tirsan baarlamaanka dawladda Holland iyo masuuliyiin kale.

Axmed Muumin Seed, oo ka warbixinayay shirka uu kaga qayb galay Holland waxa uu sheegay in shirkaasi lagaga hadlay arrimo la xidhiidha maalgashiga dhinaca beeraha.

Waxaanu yidhi, “Shirka waxaa lagaga hadlayay sidii loo maalgashan lahaa wadanka Somaliland, oo dhinaca beeraha ah.

Iyadoo dawladda Holland ay u baahan yihiin dhul ay maalgeliyaan. Waxaanan u sheegnay in Somaliland ay tahay nabadgeliyo, isla markaana la gaadhay xiligii aduunku maalgashan lahaa. In aan ku soo dhawayno wadankayaga oo ay yimaadaan”.

Sidoo kalee wasiirku wuxuu kulankaas ka akhriyayay qoraal dheere oo uu kawar bixiayay dhinaca waxsoo saaka Somaliland wuxuu xukuumada Nederland ka codsaaday inay Somaliland kala shaqeeyan dhinaca wax soo saarka

“Waxaan halkan u nimid in aan khibrad ka helno dad maalgashadeyaal ah oo wadankii taga, oo maalgashadda. Waanan la kulmay, waxaanay noo balan qaadeen in ay imanayaan oo ay Somaliland maalgashanayaan” ayuu yidhi Axmed Muumin Seed.

 

Leave a Reply